Markaad eegto siyaasada 3 sedexda xisbi qaran ee ka jira dalka somaliland waxaa kuu soo baxaaya in xsibiga kulmiye uu yahay hormoodka xisbiyada somaliland.
Kulmiye talada dalka wuxuu qabtey 2010 ilaa maanta oo ay ka soo wareegtey 6 lix sano,waxay haystaan kulmiye wax badan oo ay ku faanaan oo farabadan waxaana kamid ah iney wax aad u weyn ka badaleen dhaqaalihii dalka somaliland.
Xisbiga kulmiye maalintii ay yimaadeen talada dalka waan ognahay oo waan ka dheregsanahay inuu dalku ahaa mid dhaqaalihiisu aad u hooseeyo oo baaba ku dhaw ,shaqaalaha dawladu ay bilaa mishaaro ahaayeen mudo 7 todobo bilood ah ciidamada somaliland ay la mid ahaayeen.
Sidaas awgeed islamarkiiba xisbiga kulmiye wuxuu bilaabay inuu bixiyo lacagihii daynta ahaa ee & inuu siiyo mishaaradii ka maqneyd mudada farahabdan leh ciidamada dawlada.
Kulmiye wuxuu kasbaday shacabka reer somaliland dhamaaan meel kasta oo ay ka joogaan aduunyada & kuwa kunool dalka somaliland dhamaan 6 lixda gobol ee dalku ka kooban yahay imika.
Waxaan aaminsanahay in boqolkiiba 95% ay guushu raaci doonto mudane muuse biixi cabdi & mudane cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici oo murashaxiinta xisbigu soo doortey ee uga qayb qaadanaaya tartanka doorashooyinka sanadkan 2017 .
Markaad eegto rayiga dadka reer somaliland waxaa kuusoo baxaysa in badankoodu ay lajiraan xisbiga kulmiye iyagoo ka aaminsan xisbi wax qabad runtii tusayna umada reer somaliland wax qabada wanaagsan inta hadhayna dhamayn doona haddii alle idmo.
Waa xisbi ku faani kara wuxuu u qabtey dadkiisa ,waa xisbi sheegan kara inuu wax kabadaley dhaqaalihii dalka ee baabasanaa ,waa xisbi sheeki kara inuu meel hoose ka soo qaaday dhaqaalaha ,soona gaadhsiiyey meel aad u sareysa.
Hadaba markaad isku soo wada ururiso wax qabadaka xisbiga kulmiye waxaa kuu soo baxaysa sida cadceeda oo kale in guushu ay dulsaarantahay kulmiye umada reer somalliland bari,baddhtame & galbeed ay ku dhawaaqayaan kulmiye ,kulmiye,kulmiye.
Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels belgium.