Published:

 

Waxaan si wanaagsan u hambalyeynayaa wasiirka xidhiidhka golayaasha & tignoolajiyada mudane cali xaamud jibriil oo ku guuleystey inuu ka dhaadhiciyo labada gole iney cod aqlabiyada ah ku meel mariyaan dalabkii xukumadu ku cod saneysay in cod loo qaado saldhiga milatariga ee ayna  soo weydiisteen dalka aan walaalaha nahay U.A.E 

wasiirka golayaasha u qaabilsan dawlada isku xidhka oo aad uga shaqeeyey in labada golaba ay iyaga oo mid ah oo aan kala hadhin muxaafid & mucaaradba sidii sharcigu ahaa ugu codeeyey heshiiskii xukumadu ay horkeentey golayaasha ,guushaana waxaa iska leh ilaahay ka sokow wasiir CALI XAAMUD JIBRIIL oo aad uga soo shaqeeyey inuu ka dhaadhiciyo wanaaga xukumadu ay u wado dadkeeda & dalkeeda oo ah horumar.

Maaha qofku wuxuu qabto in laga masuugo oo la yidhaahdo waxba ma qaban ee waxaan leenahay wasiirku wax weyn ayuu soo qabtey wax ka sii weyna uu qaban donaa haddii alle idmo waanan ku hambalyeynayaa wax qabadkiisa .

Wasiirku wuxuu geed dheer & geed gaabanba u galey inuu u sharaxo labada golle iney fahmaan faa’iidada ugu jirta saldhigan berbera shacabka   reer somaliland oo ah mid wax katari kara  dhaqaalaheena dad badanina ay shaqo ka heli doonaan,sidaas awgeed waa inaad danta shacabka aad eegtaan una hiilisaan dadkiina & dalkiina,goluhuna sidii ayuu yeeley uuna ansixiyey mashruucii wanaagsanaa ee ay xukumadu waday.

Gunaanadkii hadalkeyga.somalidu waxay tidhaahdaa: Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay (Arrin la qorsheeyey meel laga bilaabo ayey leedahay,markaa wasiirka labada golle uu ku amaanan yahay saldhigaa berbera galayaashisii oo midaysan oo hadana ansixiyey waana guul u soo hayatey wasiir CALI XAAMUD JIBRIIL.

Allaa mahad leh

By maxamed jeex

Brussels belgium

News Related