Published:

waxaana la sheegay in beel ka mid ah labada beelood ay rasaas ay fureen saaka waabirigii ay dhaawacday mid kamid askartii ku kala dhex jirtay labadan maleeshiyo beeleed kaas oo la sheegay in uu dhaawaciisu yahay mid aad u fudud.Ciidamada qaranka Somaliland,ciidamada RRU-da iyo kuwa booliska ah oo iyagu goobta ku sugan ayaa waxa la sheegay inay la wareegeen amaanka guud ee degmada Ceel-afwayn iyaga oo askartuna ay taagan tahay isgoys kaste iyo magaalada gudaheeda,sidoo kalena wararka nasoo gaadhaya ayaa waxay intaa ku darayaan in ciidamadu ay dibada u saareen mid kamid ah maleeshiiyaadka labadan beelood ee dirirtu dhex marayso .

Jawiga guud ee magaalada Ceel-afwayn e gobolka Sanaag ayaa wakhti xaadirkan ah mid aanay waxba ka jirin wallow laga dareemayo sansaan colaadeed,iyaga oo labada dhinacba isku hub iyo ciidan aruursanaya waa sida la sheegaye.

Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay oo aan isku daynay inaan khadka telefoonka kula xidhiidhno ayaanay noo suurto galin cillad dhinaca telefoonkiisa gacanta ah awgeed.

Gabagabadiina labadan beelood ayey dhawaan shaqaaqo dhex martay taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac tiro badan,waxaana lagu guda jiray xalinta shaqaaqadan,ilaa hadda se si rasmi ah looma garanayo wax dib usoo cusboonaysiiyey colaadan .

 

News Related