Published:

baasheSafiirka Somaliland u fadhiya  Imaaradka carabta  Baashe Cawil ayaa waxa laga waydiiyey in dadka reer Somaliland u arkaan in ay is khilaafsan yihiin Mashaariicda uu waddo iyo danaha xisbiga Kulmiye, isla markana Masuuliyiinta xisbiga kulmiye aanay labba socon hawlaha uu safiirku waddo, xisbiga Kulmiyena uu codod ku waayi karo.

Safiirka ayaa Su’aashasi oo uu waydiiyey wariye Maxamed Ilig oo ka Tirsan HCTV ayaa waxa uu kaga jawaabay sidan “May ma jirto wararkaasi waa wararkii inta war xumo tashiilka ahi fidin jirtay, Fikir iyo aragti siyaasadeed oo aniga iyo gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ah musharaxii Madaxweynaha, oo ah shakhsiga uu imika uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo) go’aansaday in uu taageero ma jirto, marka uu madaxweynuhu Kursiga ka dago cid uu doonayo taageero oo uu dhiso, anigu Siyaasad gaar ah kuma shaqeeyo ee waxana ku shaqeeya ta madaxweyne Axmed Maxamed maxmamuud  Siilaanyo iyo ta aanu leenahay ee Xisbiga Kulmiye, Xisbiga Kulmiye qayb baan ka ahaa markii la aasaasay, oo dibadaan joogay dadkii u soo shaqeynayeyna waan ahaa, mudadii aan shaqeynayeyna mar walba gudoomiyaha imika joogay wadashaqeyn ayaa naga dhexeysay, taageero ayaa naga dhexeysay imika oo uu yahay musharixii Xisbiga taasan ku taageernaa,

Isaga oo hadalka sii watana waxa uu yidhi. “Hadaanse u soo noqdo su’aashan aad u waydiisay ee ah Mashaariicdan aad waddo waxay caqabad ku yihiin xisbiga, horta waxa qaranka u dan ah ayaa Musharax Muusena u dan ah, horumarka uu madaxweynuhu sameyo waxay kaalinta kowaad ka galeysaa in muuse haddii uu helo codka dadka ummada,  waxa lagu qiimaynayaa waxa uu madaxweynuhu qabto, sabab kulmiye, dee Kulmiye isagu dawlad ma ah, wax uu sheeganayaan ma jirto, laakiin Kulmiye guusha uu sheeganayaa waa xukumadda Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo gaadho, haday xuntahayna taasa dhibaysa, haday wanaagsan tahayna taasa guul u ah, marka horumarkan maanta la gaadhay ee haday noqoto DP World ee shaqo abuurka sameynaysa ee tahriibkii la dagaalamaysa iyo haday noqoto horumarkan saldhigan milatari lagu sameynayo, haday noqoto shirkadahan caalamiga ah ee inoo imanaya iyo haday noqoto shirkadahan kale ee malgashiga ee inoo imanaya, marka goortay taasi muuse caqab ku noqotay in uu madaxweyne dalka ka noqdo aniga taasi ma arag, waxanan qabbaa in arrimhaasi fure u yihiin guushii xisbiga Kulmiye ee Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ku noqonayey madaxweyne, dadka sidaasi ku hadlayaan uma malaynayo in ay nasteexo u yihiin Muuse Biixi”Ayuu yidhi Baashe Cawil Wakiilka Somaliland Imaaradka carabta.

News Related