Published:

Maalin-kasta iyo goortii la-joogaba xusuusteeda leh, waxanay kugu reebtaa taariikh xusuus mudan hadba sida ay tahay sararteeda xaaladeed, markay sidaa tahay ayaa waxa aan jeclaystay inaan qoraal ku xuso dhacdo weerar ah oo uu Wasiir-dawlaha Shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland igu soo qaaday, kana dhalatay maqaal aan ku xusay dadka iyo deegaanka aan ka soo jeedo oo kaalin fiican kaga qayb-qaatay soo dhaawayntii Wajaale ee Musharaha Madax-waynaha Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Hadaba anigoo ah Garabka dhalin-yarada Heer-qaran ee Xisbiga Kulmiye ee uu magacaabay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Madax-waynaha Madax-waynaha ayaa waxa weerer dagaal gacan ka hadala igu soo qaaday wasiir-dawlaha shaqada iyo armiha bulshada, waxana ay daaran tahay maqaal aan ku taageeray guusha aanu gaadhnay kulmiye ahaan iyo deegaanka aan ka soo jeedo oo aan xusay sida fiican ee ay uga qayb-qaateen aan jeclaystay inaan sheego wanaagooda markaan arkay sida ay ilaa wajaale ugu socdaaleen soo dhawaynta Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Hadaba fogaan maayo faalana ka sheegi maayo ee waxaan jeclaystay inaad ila-dhugataan amase ila aragtaan maqaalka uu weerarku igu gaadhay aanad aragtaan nacab iyo cadaw midkuu yahay wasiir-dawlaha Shaqada iyo Arimaha bulsha Cabdi Daahir (Cabdi-wadaliqe), waana sidan maqaalkaan qoray shalay ee dagaalku ka dhacay aniga oo usoo bandhigaya in ay nook ala garnaqaan aniga iyo wasiirka kaayaga khaldan ama gardaran gaar ahaan Shacabka aan kasoo wada jeedno aniga iyo Wasiirku, Masuuliyiinta Sare ee Xisbiga kulmiye iyo indheed-garad Somaliland

SOO DHAWAYNTII MUSHARRAX MUUSE BIIXI IYO KAALINTII MADAX-DHAQAMEEDKA BEESHA AYUUB.

Ugaaska guud ee Beelaha Ayuub, Ugaas Ismaaciil Cabdi iyo Suldaanka Dhalinyarada Beelaha Ayuub Suldaan Cabdifatax Yasiin Jaamac, iyo Jiif-caaqilka Guud ee Beelaha Ayuub, Jiif-Caaqil Aw Aadan Cabdilahi Cali ayaa si mugleh oo maamuus iyo qiime badan leh uga qayb qaatay arooryadii hore ee maanta soo dhawayntii Gudoomiyaha, isla-markaan ah, Musharaxa Madax-waynaha Somaliland

ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo lagu soo dhaweeyey xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo dalka Walaalaheen Ethiopia ee degmada Wajaale.

Marka aad dheehato dhamaan sida mugaleh ee ay maanta uga qayb qaateen amase ay sameeyeen duqayda iyo dhalin-yarada beelaha Ayuub Isaaq ayaa waxa ay samaysay qiimayn iyo himilo taariikhiya oo xasuus reebtay, waxana u sal ahayd isku duubni dad iyo deegaan oo ay taageero ugu muujinayaan Musharaxa Madax-waynaha kulmiye iyo xukuumada uu gadh-wadeenka ka yahay Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ee kulmiye.

Waxa maanta bilaabantay cududa iyo taageero dheeriya amase xoog-saayida oo ay la barbar joogsadeen dhamaan beelaha ayuub Mudane. Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumada xisbiga kulmiye, waxana horsed ka ahaa arintaa Ugaaska Guud Ismaaciil, Suldaanka Dhalinyarada Suldaan Cabdifataax, Jiif caaqilka guud ee beesha Jiif-caaqil Aw-Aadan Cabdillaahi Cali, xildhibaanka Beesha Mudane Obsiiye, Maareye-xigeenka TVga qaranka Somaliland, mudane Caddaani iyo dhammaan dadka kaga jira xisbiga kulmiye beesha ayna weheliyaan dhamaan aqoon-yahanada dhalinyarada oo aan qalinku soo koobi-karayn oo go’aamiyey arintan guusha leh.

Dhanka kale waxa ay shalay sameeyeen dhamaan Salaadiinta iyo cuqaasha ay beesha Ayuub leedahay taageero siyaasadeed oo ay ku taageerayaan Go’aanka Xukuumada iyo golayaasha baarlammaanka ee saldhigga Berbera, waxanay sheegeen inay barbar taaganyihiin Madax-waynaha Somaliland Mudane: Axmed Maxamed Siilaanyo ayna ku ayidsanyihiin Guulaha tirade badan ee uu soo hooyey muddadii uu dalkan iyo dadkan Somaliland hoggaaminayey)).

Haddaba waa kaas Maqaalkii uu Wasiir Cabdi Daahir Camuud igula dagaalamay ee ma anigaa khaldanaa mise Cabdi Daahir Camuud waxa uu garan la’yahay Masuuliyadiisii iyo Xilkii uu Xisbiga u hayay Mise wuxuu ka aradey oo uu dayacayaa Masuuliyadii uu Beesha aanu kasoo jeedno u hayay, haddii jawaabahaasi Haa yihiin waxaan kula talin lahaa in uu Xilka iska casilo una baneeyo Beeshayda oo xilkan iyadu iska leh si ay ugu badashaan Masuul isku xidha Xukuumada iyo Beesha inta aan beeshu xilka ka badelin kkkk.

Maxamuud Jaamac Gudaal

Madaxa Waaxda Dhaqaalaha Dhalinyarada

Heer Qaran ee Xisbiga Kulmiye

News Related