Published:

 

Maayarka GabileyMaamulka Gobolka iyo Ka Degmada Gabiley Waxa uu Caadaystay Cabudhinta, Cago Juglaynta Dhalinyarada Ku dhaqan Gobolka oo ay Si ka Baxsan Xoriyada Hadalka iyo Dhaqdhaqaaqa ula Dhaqmayaan Mudooyinkii udanbeeyay.

Dhacdooyinkan Cusub ee ay La soo Baxeen Maamulka Gabiley ayaa noqday mid lagu hor istaago Bandhigyada Suugaanta ee lagu Soo Bandhigo Magaalada maadaamo oo ay Gabiley Caan ku tahay Suugaanta iyo Dhaqanka, Waxaanay Shacabka iyo Dhalinyaradu si Wayn uga Cadhoodeen Bandhig Suugaaneed Qiimo badan oo laga Joojiyay Abwaan Yaxye Yeebaash oo Hoolka Jaamacada Gabiley kusoo Bandhigi lahaa Bandhig Xiiso badan oo lagu Dhiiri galinayo Wacyiga dhalinyarada ee Aqoonta Suugaanta, iyo Wadaniyada.

Sidoo kale waxaa Laba Maalmood ka hor la Joojiyay Dood Cilmiyeed Xiiso badan oo ay Qabanayeen Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Ku Sugan Gobolka taasi oo loogu talo galay inay ka Qayb qaataan Dhalinyarada Axsaabta Qaranka Somaliland si Loo sameeyo isdhex gal dhalinyarada kala Gedisan ee ku kala Jira Seddexda Xisbi Qaran iyo Ururada Bulshada, Waxaana Doodaasi Si Toos ah u hor istaagay Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi oo Baryahan danbe olole Dhaawacaya Hamiga Dhalinyarada ka Bilaabay Magaalada.

Sidoo kale Waxaa iyada Yaab iyo Amakaag ku noqotay Waxgaradka Gabiley in Maamulka Golaha Deegaanka Gabiley uu Xabsiga u Taxaabay Dhalinyaro badan oo Taageerayaal u ah Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani intii aanu Gobolka Soo Gaadhin Waftigii uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Safar ugu maqnaa Dalka itoobiya kuwaasi Xidhnaa tan iyo intii Waftigu Gobolka ku Sugnaa markii uu Hargeisa Gaadhayna la sii Daayay iyada oo aanay jirin Cid soo eedaysay iyo Danbi ay Galeen toona balse uu Baqo ka Muujiyay in Mudahaaryo ay Abaabulaan kana jawaabaan Dhacdooyinkii Foosha Xumaa ee Maamulka Gabiley lacagta ku siiyay Dhalinyarada Wax ma garatada ah ee Ey-da u Xidhay Calanka Xisbiga Wadani kuwaasi oo Fadeexad usoo jiiday Sumcada Gobolka, Godobna u Abuuray Musharaxa Xisbiga Kulmiye oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka.

Dhacdooyinka iyo kuwo kale oo la Mid ah Waxaa ku Macaasha Shaqsiyaad ka Tirsan Xukuumada Kulmiye oo usoo Tafaxaytay kala Fogaynta Dhalinyarada Gobolka iyo Xisbiga Talada haya ee Kulmiye kuwaasi oo Colaad Gaamurtay uqaba Musharaxa Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi oo ay rabaan inay ka Aargoostaan Gobolkiisa isla markaana si aanu dareemin dadka u nacsiiyaan.

Waa Silsilada Taxan Wasaarada Maaliyada, Dawlada Hoose ee Gabiley iyo Kastamka Magaalada kalabaydh, Waxaana Gadhwadeen ka ah Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo  Adeegsanaysa Maayar Maxamed-Amiin Cumar Cabdi oo ay Walaalkii iyo Adeerkii ka Shaqaalaysiisay Wasaarada Maaliyada isla markaana Darajo Sare ku Qaadatay (Grade A) iyaga oo aanay Aqoontoodu gaadhsiisnayn Heer Jaamacadeed, Balse iyada oo eegaysa Hawgalada uu Fulinayo awgeed ay Hawlaha ugu Fududeysay.

Waxyeelada iyo Dhaawacyada la Soo Gaadhsiiyo Sumcada iyo Garaadka Dadka ku Dhaqan Gabiley oo ay ka mid yihiin in marka hore la Nacsiiyo in Dadka ku dhaqan Deegaanka Gobolka Saaxil ee ay hayb-wadaaga Yihiin aanay waxba ka dhaxayn, iyaga oo ka Dagaalama Qof erey uyidhaahda oo Taageera Arimahooda si looga ilaaliyo in ay Isku Xidhmaan isuna Damqadaan.

Sidoo Kale kooxdan Waxaa Dhaqan u ah in Gobolka laga Sheegto Axsaabta kale ee Mucaaridka ah isla markaana lacag badan lagu Bixiyo in la hor istaago Dhaqdhaqaaqyada Mucaaridka iyo Madaxdooda, iyada oo ay ugu danbaysay Gacan qaadkii Wasiirkii hore ee Madaxtooyada oo loo Adeegsaday Xildhibaan ka Tirsan Golaha deegaanka Gabiley oo isaga iska duubay Codka uu ku Caayayo Masuulkaasi, si loo Siiyo lacagta Qandaraaska ay ku heshiiyeen isaga iyo Kooxdani, Waana Arimaha keenay in Dad badan aad uga Cadhoodaan isla markaana ku hanjabaan in Godobtaasi u Taalo Musharax Muuse Biixi Cabdi oo Dadka Gobolkiisu u Abuureen Cadaawad Meel xun gaadha.

Ilaa hadda lama garanayo Goorta uu Bilaabmay Naxliga iyo Nacaybka Wasiir Samsam u Qabto Dadkeeda sidoo kale Waxaa Maalinba maalinta ka Danbaysa Sii Maydhmaya Magicii iyo Milgihii Maayarka Da,da yar ee Gabiley oo ku Haftay Mawjadaha Fajida ee ay Dhigayso Haweenaydan aan la Garanayn Meel ay Cunfigan ka Bilawday.

Arimaahaasi aaan kor ku soo Xusnay Waxay Diiwaanka Xusuusta ugu jiraan Maamulka Dawlada hoose ee Noqday Isku Xidhaha (Connection) loo Isticmaalo kala Fogaynta Da,yarta soo koraysa iyo Cuqaashii Gobolka oo uu ka dhigay kuwo lacag lagu Shubto oo maalinba Ciddi adeegsato, Milgihii odaynimona ka Doorbiday Shilinka Maayarku bixinayo.

Waxaan kaga Baxayaa Maansadii Dabataxan ee Alle ha unaxariistee Gaariye oo uu Tuducani ka mid ahaa

“Inta xadhig la diirtee

Midba derejo leeyahay

Dabar iyo mareeg iyo

Daba-gelis ma noqon karo.

Dulucdeedu waxay tahay;

Mar haddaad is dubateen

Aniguna danjire ahay

Wixii uu ka digay dhacay

Oo duudka laga jabay,

Intii aan ku digan laa

Beelahan dabsaarka ah

Ama ciil is dabi laa,

Dan baan mooday keligay

Inaan dibinta ruugoo

Dibaddaan u suudalay”.

 

 

 

 

 

 

 

News Related