Published:

Madaxweynaha Ismaamulka dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamed Cumar ayaa la filayaa inuu maalinta berri kulan la yeesho wefdi uu hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku tegay caasimada Jigjiga, ka dib martiqaad kuu ka helay Mr. Cabdi Maxamed Cumar.

 

Wefdiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi oo ku wehelinayeen socdaalkiisa Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr. Yaasiin X. Maxamuud (Faratoon), Safiir-xigeenka safaarada Somaliland ee Itoobiya, Amb. Ayaanle Salaad Diiriye, iyo Mr. Axmed Xaaji Daahir ayey ku soo dhoweeyeen magaalada Jigjiga Afhayeenka Baarlamaanka  Md. Maxamed Rashiid Isaaq, Madaxweyne-xigeenka, ahna madaxa Beeraha Marwo Sucaad Axmed Faarax, Wasiirka Ganacsiga Mr.Cabdi Ismaaciil iyo masuuliyiin kale

News Related