Published:

Marwada Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble, ayaa hadhimo sharafeed aad u heer saraysa maanta gurigeeda ugu sameysay Marwada Madaxweynahii hore ee Somaliland Marwo Huda Barkhad Aadan oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal ay iyada iyo Madaxweyne Ra’yaale ugu maqnaayeen dalka dibaddiisa.

Hadhimo-sharafeeddan ay Marwadu u sameysay Huda Barkhad Aadan, ayaa waxa sida oo kale ka soo qeyb-galay wasiirkii hore ee haweenka Xukuumaddii Daahir Ra’yaale Marwo Faadumo Suudi, la taliyaha Murashaxa Madaxweynaha ee WADDANI Marwo Faadumo Siciid, xildhibbaan Baar Siciid iyo weli ba sida oo kale haldoor iyo haween aad u tira badan.

Marwada Madaxweynaha WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble iyo weli ba sida oo kale haweenka kale ba, waxa ay si aada ugu dheeraadeen doorkii ay Marwo Huda Barkhad Aadan ay ka soo qaadatay dhismaha qaranka Somaliland iyo weli ba sida oo kale halkii ay iyada iyo seygeeda Daahir Ra’yaale Kaahin ay soo gaadhsiiyeen, waxaana ay si aada ugu ammaaneen in Huda Barkhad ay ahayd Marwo kaalin muuqata kaga jirtay dhismaha dalka iyo horumarkiisa ba.

Ugu dambeyntii na Marwo Huda Barkhad Aadan oo iyadu na dhankeeda la hadlaysay Marwada Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, ayaa ugu horreyn uga mahad-celisay hadhimo-sharafeedda ay ku maamuuseen, waxaana ay xustay in ay reer WADDANI ku ammaaneyso dedaalka ay ugu jiraan ka qeyb-qaadashada dhismaha dalka iyo weli ba sida oo kale gaadhsiinta kaalin muuqata oo horumarineed.

News Related