Published:

Dalka somaliland ma beel gaara oo deegaanadooda iyo dadkooda uunbaa loo fikirayaa horumarkooda oo  iska leh?! maxaa dhagaha bulshada reer somaliland loo magalinlaayahay ,dalka waa la wada leeyahey?! waxa sicad u muuqata in dalka iyo dadka la kala korinaayo walibana beesha isaaq aad loo korinaayo.

Dareen run ah iyo daliil run ahba hadaan daaha ka rogo waa marag madoonto in somaliland in la kala jecleysanaayo oo beel gaar ah si gaar ah loo naasnuujinaayo

Waxa xaqiiq ah in degaanka isaaq ,loo qoondeeyey hindisaha dhaqaalo u sameynta saldhiga awood dhaqaale ee mugleh oo ay ka faa,idayaan beel gaar ahi:

1. maalgashiga caalamiga ah ee dekada berbera ( waa degaan isaaq).

2. maalgalinta dariiqa isku xidhaya berbera iyo ethoipia (waa degaan isaaq).

3. sahaminta, shidaal baadhista iyo qodis xigta insha’aal(waa degaan isaaq)

4. bixinta saldhig ciidan oo loo xulay duleedka berbera ( waa degaan isaaq ).

5. dhismaha dariiqa isku xidha Burco iyo Ceergaabo ( waa degaan isaaq)

dhameystirka mashruucii ugu weynaa taariikhda inta la ogyahey ee dhismaha wadada isku xidha ( Burco iyo Ceerigaabo) ku darsoo xuquuqda fikirka waxa iska la haa ( shirkada dhismaha wadooyinka ee ASARDA EE GOBOLKA AWDAL , oo si niyad wanaagsan iyo hindise aan hiyigaba lagu haynin si hufnaan iyo kalsooni ku jirto kuna dhisantahey ku bilaabay , hirgalinta dariiqa isku xidha Borama-Dilla taasoo keentey aakhirkii guul guul guul.

Laakiin waxaad la yaabaysaa Marka aad aragto intaas soo mashaariic oo waaweyn ah oo dhamaantood ka fulay degaanka beesha isaaq !!! Waxaad is weydiineysaa xaqdarada ka jirta meesha ee bilaa xishoodka ah.

miyaan ku gafayaa hadaan idhaahdo dadka ,dalka iyo deegaamada waa la kala korinayaa?! Oo aan runta ka sheego waxa meesha yaala?

miyaaney habooneyn in la yidhaahdo koox gaar ah, beel gaar ah iyo deegaan gaar ah ayaa leh, oo dhamaantood degaanada isaaqa ah, markaasi taas muslaxadu ma,ugu jirtaa umada aan isaaqa ahayn?

Miyaan gardarnahey mise waa dareen jira oo ismood siis iyo badheedhe mid uu yaheyba loo faytay arintan iyo eex deegaameedkan iyo bulsho gaara korintan tiro beeshay?! miyey tahey wax laga aamusi karo?!. waa maxay amuurtan iyo yaabkani?!.

Ma beesha isaaq ayaan aqli lahayn mise dadka dhulka la leh ayey u haystaan doqmo aan garaneyn waxa meesha ka jira bal amuurtan eega!!!

Mudane madaxweyne iyo madaxda bulshada reer somaliland u adeegaysa dalka idinkaa la idiin dhaariyey in aad ku dhaqdaan si maanka iyo maskada bulshada aad u adeegaysaan ee wax u cuntama gobolada awdal,salal & galbeedka gabiley , oo ku dhisan ( sinaanta iyo caddaalada bulsho weynta reer somaliland iyo habsan u maamulka iyo u qaybinta maalgashiyada kheyraadka gobolada iyada oo loo eegayo mudnaanta iyo ku haboonaanshaha oo laga hortagayo shaadhadhkan qabyaaladeysan waa inaad umadan u cadaalad fashaan,laakiin maaha inaad tidhaahdaan shaadh walba  aniga ayuu igu fiicanyahay ee midna  ima dhaafo aniga…

Mudane madaxweyne haddii inuun ay cadaaldi kugu jirto ama ay kugu hadhay saldhiga milatari ee EMARAT KA CARABTA KU WAREEJI  LUGHAYA,BULACAD &  SAYLAC si ay u dhismaan oo dalku u dheeli tirmo dadkuna u dareemaan wax wada lahaashaha iney inuun wax ka jiraan.

GUNAANADKII:::

Dekada berbera ee maanta dalku u munaafacsadaa  waxaana dhismihiisa sabab u ahaa ( saldhigii milatary ee dalka russia uu ka sameystey sidaasi awgeed berbera wax weyn ayey dalka tartey ,laakiin wuxuu dalku u baahanyahay inaan maalgalinta lagu koobin oo qudha berbera & degaan qudha ee dhamaan la maalgaliyo magaalooyinka lughaya,bulacad & saylac oo dhamaantood wax weyn u taraaya umada reer somaliland.

Allaa mahad leh

By maxamed jeex

Brussels belgium

News Related