Published:

Mayarka Degmada Wajaale Eng Aadan Muuse Cilmi Aadan Shiine Waxa Uu Tacsi Tiiranyo Leh U Dirayaa Bahda , Aqoonyahanka , Waayeelka , Waxgaradka , Qoyskii IYo Eheladii , Qaraabadii Iyo Guud Ahaanba Shacbiga Somaliland Ee Uu Ka Baxay Alle ha U Naxariistee Marxuum Xaashi Ismaciil Aadan Oo Maanta Ku Geeriyooday Caasimada Somaliland Ee Hargaysa Taariikhduna Tahay 4/02/2017 Waxana Maalinta Bariya Oo Bishu Tahay 5/2/2017 Marxuumka Lagu Aasi Doonaa Caasimada Hargaysa . Sidoo Kale Waxa Uu Gudoomiyaha Degmada Wajaale Eng Aadan Muuse Cilmi Aadan Shiine Alle Ugu Baryey In Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Ilaahay Samir iyo Iimaan Waasica Alle Ha Ka Siiyo Geerida Naxdin Leh Ee Ku TImid Marxuum Xaashi Ismaciil Aadan .
Gudoomiyaha Degmada Wajaale Aadan Muuse Cilmi Ayaa Waxa Uu Marxuumka Shaqsiyadiisa Ku Sifeeyey , In Uu Ahaa Qof Horumarka Bulshada Jecel , Qof Saaxibul Aqli Ah Oo Waxa Badan U Soo Huray Dalkiisa iyo Dadkiisaba Sidoo Kalena Ahaa Qof Dabeecada iyo La Dhaqanba Lahaa Alle Ha U Naxariisteee .Waxa Kale Oo Si Muuqata Oo Firfircooni Leh Uga Soo Qayb Qaatay Taabo Gelinta Iyo Dib U Dhiskii Jamhuuriyadani Somaliland , Waxa uu Ahaa Marxuumku Qof Hawl-Kar Ah Oo Aan Daalin – Waxa uu Horseeday U Ahaa Oo Waliba Uu Wakhti Badan Galin Jiray Qaddiyada Somaliland Ee Dalalka Qurbaa Gaar Ahaan Dalkii Maraykanka Oo Uu Ku Noolaa Muddo Aad U Dheer
Sidoo Kale Waxa Uu Eng Aadan Muuse Cilmi Aadan Shiine Intaasi Ku Daray In Uu Ahaa Marxuumku Qof Ku Adkaa Qarankani Somaliland Wakhti Badana Galiyey Sidii uu Uqayb Libaaxle Uga Qaadan Lahaa Aqoonta Qarankani Somaliland .Sidoo Kale Waxa Uu Marxuumku Si Firfircooni Leh Uga Soo Shaqeeyey Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye . Gabgabadii Waxa uu Mayarka Degmada Wajaale Aadan Muuse Cilmi Alle Uga Baryey In Uu   Godka Alle U Nuuriyo Qarankani Somaliland Uu Ilaahay Samir iyo Iiman Ka Siiyo

Inaalilaahi Wax Inaalilaahu Raajacuun
Kulu Nafsun Daa’iiqatul Mawt

News Related