Published:

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay kulan la yeeshay labada shirgudoon ee labada gole baarlamaan [guurtida iyo wakiilada].

1

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyayaaha guurtida iyo wakiilada Saleban Maxamuud Aadan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay weheliyeen ku xigeenadoodu, ayaa waxa ay Madaxweyne Siilaanyo ka codsadeen inuu cadeeyo ajandaha kulanka uu Axadda isugu yeedhay labada gole baarlamaan inay fadhi wada jir ah yeeshaan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu u cadeeyay in kulankaas uu ku horkeeni doono codsi ay dawladda Imaaraadka Carabtu ku doonayso in saldhig milatari laga siiyo magaalada Berbera.

Cabdiraxmaan-Cirro ayaa la sheegay inuu cadeeyay in xisbigiisa Waddani uu mawqif cad ka qaatay saldhigaas oo uu tilmaamay inay aaminsanyihiin inaanay wax dani ahi ugu jirin dalka iyo dadka.

Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban ayaa isna la sheegay inuu sheegay in xildhibaanadu ka doodi doonaan soo jeedintaas marka loo gudbiyo.

Si kasta ha ahaate, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulanka wada jirka ah ee Axadda labada gole ugu gudbiyo dalabkaas dawladda Imaaraadka Carabta oo dareen xaasaasi ah bulshadu ka qabto.

News Related