Published:

 

Guddidii loo saaray wax ka qabashada Qiima dhaca Shillinga Somaliland oo Fajacsan

Hargeysa(GNO) Qiimihii sarrifka Lacaga qalaad ee Suuqyadda Somaliland ayaa mar kale cirka isku shareeray, halka Qiima dhicii Shilling-ka Somaliland-na uu hoos u sii socdo, waxaana Suuqa Sarrifka Qiimaha Boqolka Dollar uu marayaa sided boqol iyo lixdan kun iyo waliba dheeraad.

dolarXukuumadda Somaliland oo guddi wax ka qabata arrintan u saartay ayaan illaa hada wax talaabo ah qaadin, waxaana muuqata in qorshayaashii ay kula tacaaleen Kacdoonkii ka dhashay sarrif bararku ay fashilmeen, maadaama oo uu sarrifkii caga cagaynayo halkii ay Ummaddu ka qayliday.

Inkasta oo ay farsamooyin badan isku day-day xukuumaddu hadana waxa soo baxaya ifafaalayaal ku arooraya inay iyadu qayb ka tahay  talaabooyinka keenaya sarrif bararka iyo qiima dhaca shilling-ka Somaliland, kuwaas oo mar kale bulshada ku abuuray walaahow iyo walaac.

Maalmihii ugu danbeeyey waxa ay Xukuumadda Somaliland Suuqa soo galisay lacag malaayiin ah oo ay xuquuq ahaan u siisay shaqaalihii Dekedda Berbera, taasoo suuqa aad usoo gashay, isla markaana sababtay in Doolar lagu raadiyo.

Sidoo kale, waxa Suuqyada lagu arkayey masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo Lacag badan kala soo baxay baanka, kuwaas oo la wareegaalaysanayey Suuqa Sarrifka si ay Dollar ugu badashaan, inkasta oo wararka laga helayey sarriflayaashu ay sheegeen in ay waayeen qaarkood cid u sarriftaba.

Waxyaabaha aan illaa hada wax laga qaban ee la moodo in aanay xukuumaddu si dhab ah uga baaraandagin joojintooda waxa ka mid ahaa lacagaha la isugu diro Telefoonada, kuwaas oo aanay illaa hada wax talaabo ah ka qaadin, isla markaana dad badani aamineen imika in aanay xukuumaddu daacad ka ahayn wax ka qabashada waxyeeladeeda haddiiba ay jirto in ay saamayn Taban ku leeyihiin sarrifka.

Xogaha ugu badan ee ay dadku ku dhaliilayaan xukuumadda waxa ka mid ah in aanay wax Dollar ah suuqa soo galin habayaraadee, taasina ay sababtay in intii yarayd ee Suuqa hore u taalay dabooli weydo baahidiia Doolarka ee marka hore-ba jirtay.

Si kasta ha ahaatee, waxa soo kordhaya in Sarrifkii Dollarka iyo Sicir bararkii hadana mar kale halkoodii ka bilaabmeen isla markaana ay xukuumadda ku soo fool leedahay dhaliishii Dadweynuhu ku muujieen dareenkooda.

News Related