Published:

Tusbaxa  Furtee  Kulmiye  Ee  Gabiley,  Liiska  Tir-tirey  Taageeradii
Muuse  Ee  Gabiley  Iyo  Qorshayaal  Taxan  Oo  Gobalka  Gabiley  Ku
Soo  Fool  Leh.  Qalinka:  C/raxmaan  Sayid  Faarax  (Jeesto).

Mudooyinkan  ugu  danbeeyey  waxa  laga  dareemayey  gudaha  gobalka
gabiley  dhaq-dhaqaaqyo  siyaasadeed  oo  dhinac  walba  bulshada
qaybaheeda  kala  duwan  yagoo  aayahooda  mustaqbal  isla  meel
dhigayey,  waxaana  ka  muuqatey  gudaha  magaaladan  shicibkoo
xayn-xayn  u  wada  faqaya  ama  raxan-raxan  isku  jibsin  daneed  ah
, shirarkan  iyo  isku  imaatinadani  waxay  sii  kala  fogeeyeen
shicibkii  iyo  xisbigii  kulmiye waliba  marka  aan  leenahay  ma,aha
dadka  shirayaa  shacabkii  xisbiyada  kale  ama  dad  iska  caadi
ah  ee  waa  dadkii  xisbil-xaakimka  ka  tirsanaa,  Taasina  waxay
ku  tusaysaa  qanaca  laga  qancey  xisbigii  kulmiye  ahaa  waxaana
ugu  wacan  jilayaasha  jilicdasan  ee  saaxada  u  qaabilsan  Gobalka
Gabiley  ama  kaadiriinta  xisbiga  oo  aad  u  liita  Heer  Qaran
Iyo  Heer  Gobalba,  runtii  waa  rug  tabtey  rag  rug-cadaaya  oo
bahasha  isu  duwa.

Markaad  fiiriso  saaxada  dhinaca  miisaanka  iyo  gobalka  gabiley
oo  u  janjeedha  dhinaca  xisbiga  wadani  kaasi  oo  maalmahan
danbe  si  badheedha  uga  faa,iideysanaya  kacsanida  umada  isla
markaana  habeenkii  si  bilaa  turxaana  ugu  soo  guda,  qadiyadooda
iyo  qaraarkoodana  halkaa  ku  dhageysta  isagoo  tix-galiya  hadba
sidey  wax  u  doonayaan,  waa  waaqic  lama  taabtaan  ah  iney
bulshadu  jeceshahay  cida  dhageysata  ee  dalabkooda  iyo
madlabkoodaba  u  fulisa,  halka  xisbiga  kulmiye  aanu  cidna  dheg
u  dhigeyn  ama  aanu  diyaar  u  ahayn  inuu  dadka  dhageysto
waxana  arinkaa  laga  dhadhansanayaa  inaanu  kulmiye  waxba  doonayn
cidna  aanu  diyaar  u  ahayn,  fakaakanina  waa  meesha  ay
daayaceen  kaadiriinta  kulmiye  ee  Gobalka  Gabiley  u  matala
kuwaasoo  badankoodu  Mujaahid  Muuse  Biixi  Cabdi  Been  ku
maaweeliya  yagoo  shicibkoodii  kala  irdhoobey  oon  dib  loo
aaminayn  waayo  hore  ayey  majaraha  u  qaldeen,  Shicibkuna  waxay
taagan  yihiin  (Mar  I  dage    allaha  dago,  Mar  labaad  I  dagese
allaha  dago).

Marka  taasi  laga  yimaado  waxaan  eegi  doonaa  kaadiriinta  cusub
ee  amin-xaadirtan  u  matala  gabiley  ama  dadka  lays  leeyahay
cod  bey  keenayaan,  kuwaasoo  aan  ahayn  qaar  u  tababaran  hawsha
ay  hayaan  waxaanad  moodaa  iney  waxoogaa  ku  yara  cusub  tahay
ama  ku  adag  tahay  kala  dabarida  iyo  isku  wadida  shacabku  ee
ku  aadan  dhinaca  xisbiga  iyo  hanashadooda,  sidaa  darteed  waxa
laga  dheehanayaa  liigitaanka  fara badanee  xisbiga  oo  noqdey
tusbax  furtey  maantoo  ugu  danbeysayna  waxa  is  casishey
gudoomiyihii  garabka  haweenka  oo  guud  ahaan  xilka  iska  tagtey,
arimahaasina  waa  kuwa  kacdoonadooda  laga  dhex  dareemayo
gabiley  dhexdeeda  waxaaney  sababeysaa  in  kulmiye  gabiley   ka
fara-baxo  gabi  ahaanba  faro  madhana  ka  istaago  gobalkii
gabiley  ahaa  hadana  sababkastaa  barteeda  abaarta  lehe  waa
maxay  sababta  kulmiye  gabiley  uga  fara-baxayaa
???????????????????????????

Hadaan  isku  dayno  su,aashaa  jawaabteeda  waxa  weeyaan  dadka
muraayada  u  ah  gabiley  ee  lays  leeyahay  waa  kuwa  codka
keenaya  ayaa  aan  ahayn  dad  umada  isu  wadaya oo  cod  raadinaya
balse  waa  dad  dano  gaara  wata,  waa  sidaan  is  leenahay  aragti
ahaan  iyo  sidey  wax  u  muuqdaan  runta  marka  loo  dhaba-galana
dadka  tir-tirey  taageeradii  muuse  ee  gabiley  waa  masuuliyiin
ay  ka  mid  yihiin  kuwan  hoos  ku  xusan.

1:  Wasiirka  Wasaarada  Maaliyada  Marwo  Sam-sam  Cabdi  Aadan.
2:  Maayarka  Magaalada  Gabiley  Ahna  Duqa  Degmada  Mudane
Maxamed-aamiin  Cumar  Cabdi.
3: Xog-hayaha  Gaarkee  Musharaxa  Madaxweynaha  Ee  Xisbiga  Kulmiye
Mudane  Mubaarig  Ismaaciil  Taani.

Waa  shakhsityaadka  xisbul-xaakimkii  ka  hano-qaadi  laayahay  oo
aad  moodo  iney  kala  dilayaan  bulshada  iyo  mujaahidka  musharaxa
ah  mudane  muuse  biixi  cabdi  yagoo  had  iyo  goor  shacabka  ku
beera  kala  fogaasho  iyo  curfi  umada  wada  dhalatey  ee
walaalaha  ahi  ay  ku  kala  dhimanayaan,  hadii  taasi
suuro-gashana  waxaa  la  waayayaa  cududii  iyo  hiigsigii  xisbiga,
shakhsiyaadkani  waxay  magaalada  ku  soo  kordhiyeen  dad  yaga  si
gaara  ugu  shaqeeya  oo  kuwa  shaqeynaya  ugu  dhex  jira  mana  aha
taasi  iney  dhacdo  waayo  waxay  abuureysaa  kala  shaki  hadii  la
kala  shakiyona  wax  kastaaba  xumaa,  taasi  waa  mida  ugu  ee
salka  iyo  ubucda  u  ah  kacdoonada  magaalada  ka  socda,  sidoo
kale  waxa  la  filayaa  usbuucyada  soo  socda  in  bur  iyo  bioyo
loo  kala  baxo .

Qalinka:  Regional  Spokesman  Of  Wadani  Party  In  Gabiley
Af-hayeenka  Xisbiga  Wadani  Ee  Gabiley
Mudane:  C/raxmaan  Sayid  Faarax  (Jeesto)

News Related