Published:

Waxa haddaba maanta oo ay taariikhdu tahay 21 Feberweri 2017, magaalada Hargeysa lagu xidhay mid ka mid ah xubnahayaga Ururka Qoraaga somaliland .

Qore, Maxamed Baashe Xasan, oo ciidamadda boolisku ku eedeeyeen kicin ama abaabul shacbi.

Haddaba haddaanu nahay Ururka Qoraaga Somaliland , waxa aannu aad iyo aad uga xun nahay, kana soo horjeednaa xadhigaa lagula kacay, qore, Maxamed Baashe Xasan Waxa aannu leenahay si deg deg ah xukumaddu ha u sii deyso, qore, Maxamed Baashe Xasan.

Xorriyadiisa ha u soo celiso Xukumaddu waa in ay dhawrtaa shuruucda dalka u yaal.

Waa in ay ilaalilsaa xuquuqda muwaadiniinta, khaasatan qoreyaasha Somaliland

Haddii danbi lagu haysto sifo sharciya ha loo maro, oo maxkamadd degdeg ha loo keeno.

Haddii wax lagu waayana baadhitaan ha lagu sameeyo sababta loo xidhay

Ururka Qoraaga Somaliland (Somalilan Writers Association )

www.qoraaga.com

E-mail: Somaliland_writers@hotmail.com

21 feberweri 2017

News Related