Published:

-Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in ay Somaliland ka digtoon yihiin xasaasiyadda siyaasadeed ee ay leedahay siyaasadda biyaha Niilka ee ka dhaxaysa dalalka Itoobiya iyo Masar.

Wasiir Sacad oo uu waraysi la yeeshay wargeyska The Reporter oo kasoo baxa magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya waxa uu sheegay in socdaal uu ku tagay dalka Masar  uu ahaa mid lagaga wada hadlayey danaha Somaliland iyo Masar ee ganacsiga iyo waxbarashada balse aanu ku tacaluqin siyaasadda Biyaha Niilka.

Wargeyska ayaa ugu horeyn waydiiyey wasiir Sacad Cali Shire inuu sharraxaad ka bixiyo ujeedada safar uu ku tagay dalka Masar waxaana uu wasiirku yidhi

“Sanadkii tagay waxaan booqday 13 dal oo Aasiya,Yurub,Africa iyo bariga dhexeba iskugu jira ,Masar-na ka mid ayey ahayd ,waxaana Masar naga jooga arday badan.Taariikh ahaan waxaanu Masar u dirnaa da’yartayada si ay ugu soo bartaan waxbarashada sare intaas marka lagu daro waxaanu leenahay xidhiidh iyo iskaashi waxbarasho iyo Ganacsi”sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiir Sacad oo la waydiiyey inay wax midho ahi kasoo baxeen safarkaasi waxa uu yidhi

“Waftiga waxa lagu qaabiley hab maamuus sare ah intii aanu masar joognay waxaanu la kulanay masuuliyiinta wasaaraddaha Tacliinta,Ganacsiga,Caafimaadka iyo Arrimaha Dibada  iyo waliba masuuliyiin kale oo dawlada ka tirsan”.

Wargeyska ayaa wasiirka waydiiyey su’aal nuxurkeedu ahayd “Niilku waxa uu leeyahay ahmiyad gaar ah marka laga hadlayo xidhiidhka Itoobiya iyo Masar,sidaas daraadeed wada shaqayntiina masuuliyiinta masaaridu wax xidhiidh ah mala leeyahay Niilka?.

Wasiir Sacad ayaa waxa uu su’aashan la waydiiyey kaga jawaabay sida tan

“Aad baanu uga war qabnaa xaasaasiyada siyaasadda Nile-ka ,ujeedada ugu wayn  ee safarku wax xidhiidh ah lama lahayn amaanka Biyaha iyo Nile-ka,waxa diirada la saaray Tacliinta,horumarka iyo Ganacsiga”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Sacad Cali Shire oo a h wasiirka arrimaha dibada Somaliland.

 

News Related