Published:

Xildhibaan James Caver oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UKIP ee dalka Ingiiiska aya sabtidii todobaadkan waxa uu baarlamaanka Midowga Yurub uu kaga hadlay in Midowga Yurub ay aqoonsi buuxa siiso Jamhuuriyadda Somaliland  oo uu xusay in ay istaahiso aqoonsi caalami ah.

James Caver waxa uu sidaasi ku sheegay hadal kooban oouu ka jeediyey fadhigii Baarlamaanka Yurub oo kas hadlayey qaddiyadda madaxbanaanida Falastiiniyiinta.

“waxaan muddo dheer taageere u ahaa qoonsi la siiyo dal kale oo islaam ah oo la yidhaahdo Somaliland oo u qalma in la ictiraafo,3-dii Bishii September ee lasoo dhaafay waxaan komishanka midowga Yurub usoo gudbiyey codsi ku waajahan in la aqoonsado madaxbanaanida Somaliland,taas oo aan u arko in la tixgaliyo”ayuu yidhi mudane James Cover oo sharraxay sidda ay Somaliland u istaahisho aqoonsi caalamiya.

Dalabka xildhibaankaas waxa isna isla fadhigaasi kusoo dhaweeyey gudoomiyaha xisbiga UKIP oo la yidhahdo Mr Nigel Farage oo xubbin ka ah baarlamaanka Yurub,waxaana uu golahooda usoo jeediyey in ay darsaan oo ay ayidaan aqoonsiga Somaliland.

Waa markii u horeysay ee baarlamaanka midowga Yurub lagu soo qaado Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo Rubuc Qarni ah raadinaysay aqoonsi caalami ah,iyada oo ay isa soo tarayaan diplomaasiyiinta iyo xidlhibaanada dalalka aduunka ee saaxiibka la ah Somaliland.

 

News Related