Published:

16864697_10154493833993473_2021584757279961373_nDhalinyaradu Waa Jiilka ugu Badan Tiro ahaan Dadka Somaliland, Tayo ahaana Waa kuwa ugu Waxqabadka badan ee Codka Bixiya Sidaa darteed Gudoomiyaha Xisbiga wadani Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi Waxa uu haleelay Jidkii Guusha maadaama oo uu Dhalinyaradii Awooda Saaray.
Gudoomiyaha Ololaha Doorasada Madaxtooyada ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani oo Dhawaan loo Magacaabay Xamse C/raxmaan Khayre ayaa La Filayaa inuu Kaalin muuqata ka Ciyaaro Tartanka Fooda inagu soo haya isaga oo isticmaalaya Khibraddiisa Aqoonneed iyo Awooda Dhalinyarada Somalilad ee uu Hormoodka u yahay.
Xamse Khayre ayaa ka mid ah dhalinyarada Haldoorka u ah Somalilad waana Shaqsi Karti, Naxariis, Degenaan iyo Hawl karnimo illaahay u dhaliyay kaasi oo Hogaanka Xisbiga Kulmiye laf dhuun gashay ku noqday maadama ay in badan ku taamayeen in ay Gacan ku dhigaan balse nasiibku siin waayay oo Maanta uu Hantiyay Xisbiga Wadani.
Mr.Khayre Maaha Dadka ku dhex milmay Siyaasada Qabiilka ku Salaysan ee Somaliland laga ciyaaro balse waa Dhalinyarada Ka Fayow Cuduradaa Naxliga Wadata ee Dalkii kusoo badanayana, Balse waa Shaqsi Falanqeeya ama Faalleeya Siyaasada Mudakarka ah ee ku Dhisan kala Duwanaasha Afkaarta iyo Aragtiyaha, Waa Shaqsi Cod kar ah oo ku Qancin karta inta aad hortaagantahay, Waana Saaxiib kastabaday Dhalinyaro aad tiro badan oo isbadal muuqda Samayn kara haddii loo hagar baxo.
Dhaliyarada Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyay kaga hadlayay baraha Bulshada Magacaabista Xamse khayre iyo Saamaynta Shaqsi ahaaneed ee Xamse ku dhex leeyahay Dhalinyarada, Waxaanay aad usoo dhaweeyeen in C/raxmaan Cirro isku dhiibo dhalinyarada oo lagu yaqaano inay Guul u horseedi karaan haddii aan Faro galin lagu Samaynin Wakhtiga ololaha Doorashooyinka lagu gudo jiro.
Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa Cabsi wayn ka qaba Gudoomiye Xamse oo aad looga Ixtiraamo Gobolada Awdal, maroodi jeex, Saaxil iyo Todheer isla markaana ah Shaqsi in badan kusoo dhex jiray Arimaha Bulshada iyo Hay’addaha madaxa banaan ee ka hawl gala Somaliland.
Waxaynu Sugnaaba waa Doorka Siyaaseed ee Masuulkani ka Ciyaaro Tartanka iyo Awooda dhalinyaradu leedahay ee ay Mooganyihiin Hormoodka Xisbiyada Somaliland Tallada u haya Badankoodu.
Haldoornews Staff Writter
Hargeisa Somaliland
haldoornews@yahoo.com

News Related