Published:

Hargeysa(GNNO

):-Kulan aqooneed noociisu ku cusub yahay dalka oo uu soo
qaban-qaabiyey Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI isla mar ahaantaana lagu
gorfeynaayey sicir-bararka iyo weli ba sababaha keena qiimo-dhaca ku yimi
lacagta shillingka Somaliland, ayaa xalay ka qabsoomay hotel Guuleed ee
magaalada Hargeysa.

Kulankan aqooneedkan oo ahaa mid ay doodiisa ka qeyb-qaadanayeen khubaro ku
takhasustay culuumta dhaqaalaha oo bareyaal sare ka ah jaamacadaha dalka
iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI oo khibrad
iyo aqoon dheer ba u leh hannaanka Maaliyaddeed iyo xisaabaadka Bangiyada,
ayaa waxa ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, hoggaamiyaha
Xisbigaasi, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo
haweenka, siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa, Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif,
Siyaasi Siciid Sulub,agaasimaha guud ee daladda ururada aan dawliga ahayn
ee SONSAF, guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee Xisbiga KULMIYE,
abwaano tiro badan oo ka socday golaha Abwaanada Somaliland,
odey-dhaqameedyo, macalimiin iyo arday ka socotay kuliyadaha dhaqaalaha ee
jaamacadaha dalka, haween, dhallinyaro iyo mas’uuliyiin tira badan.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi
(Cirro) oo ugu horeyn furay kulan aqooneedkaasi, ayaa ka hadlay muhiimadda
uu lee yahay kulankaasi, waxaana uu tilmaamay in Xisbiga WADDANI uga
golleeyey siddii xal waara looggu heli lahaa dhibbaatada sicir-bararka isla
mar ahaantaana loo carin lahaa maskaxda iyo aqoonta dadka ehelka u ah
arrimaha dhaqaalaha si wax loogga qabto arrimahaasi.

“Munaasibaddan dood cilmiyeedka ah waxa ka soo qeyb-galay dhammaan oo lagu
marti qaaday qeybaha bulshada iyo hay’adaha Xukuumadda ama qaranka
dhammaantood, waxa halkan jooga salaadiintii, waxa jooga abwaaniintii, waxa
jooga aqoonyahankii, jaamacadihii, waxa kale oo la marti-qaaday dhammaan
hay’adaha qaranka Somaliland oo mawduucan aynu ka hadlaynaa uu khuseeyo oo
ay ka mid yihiin bangiga dhaxe, bangiga dhaxe, wasaaradda Maaliyadda,
wasaaradda arrimaha gudaha iyo weli ba ururada bulshada iyo kuwa aan
dawliga ahayn inta ba iyo weli ba sida oo kale axsaabta qaranka Somaliland,
waanan u mahad-naqeynaa dhammaan cid kasta oo ka soo qeyb-gashay
munaasibaddan oo lagu falan-qeyn doono dood cilmiyeed looggu tallo-galay in
aynu wax isku weydiino xanuunada jira oo ah sicir-bararka, xaguu innooga
yimi?, siduu u yimi?, maxaynu ku daweyn karnaa?, markaa guud ahaan waa
mawduucaas cilmi baadhista ah, waxaana inaga reeban dhammaanteen in cid ama
shakhsi laga hadlo oo la weeraro ama laga hadlo hay’adaha qaranka se caawa
waxa aynu ku koobnaan doonaa doodaas haddii Alle qadaro oo uu
wada-hadalkeenu khuseeyaa.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

Xoghayaha arrimaha dibadda Xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal oo sida
oo kale na ah khabiir ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha Somaliland, oo isna
halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa soo bandhigay duruufaha kala duwan ee ku
gedaaman koriinka iyo caqabadaha dhaqaalaha Somaliland.

“Waayaha dhaqaalaheena Somaliland waxa ka mid ah dhaqaale dagaal ka soo
kabtay in uu yahay oo weli kabashadii ay wax kaga jiraan, wixii ka horeeyey
ee seeska u ahaana ay hore u burbureen laakiin imika soo kabanaaya,
waayahiisa waxa ka mid ah dhaqaale la hirdamaaya aqoonsi la’aan oo mararka
qaar ay ka xidhan tahay caalamka kale ee ballaadhan, hay’adaha maalgashiga,
deynta iyo baananka bal eh, waxa weeyaan duruufo dhaqaale oo horyaalkiisii
oo ahaa xoolaha nool ay aafeeyeen abaaro iyo xaaluf ba, waxa weeye duruufo
dhaqaale oo aan haba-yaraatee wax macdano ah ama shidaal ha ahaado ama
macdano kele e’ midna aan illaa imika ku soo darsamin isticmaalkiisa, waxa
weeyaan dhaqaale suuqiisu uu kooban yahay oo ilaa Afar Milyan oo dad ah
baynu nahay baynu nidhaahnaa se dadka kale waa boqolaal Milyan se intaas
aynu nahay ba duq ku ah.”.Ayuu yidhi Dr.Maxamed Cismaan Fadal

Pro.Cabdishakuur oo isna ah aqoonyahan da’yar isla mar ahaantaana culuumta
dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Hargeysa sida oo kale na ah madaxa
tobabarada ee Bangiga dhaxe ee Somaliland, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa
soo bandhigya sababaha dhaliya sicir-bararka iyo weli ba sida oo kale
qiimo-dhaca ku yimaada lacagta shilling Somaliland ta, waxaana uu carabka
ku dhuftay in qiimaha lacagta Somaliland uu si aada hoos ugu dhacay.

“Sarifku waa isku bedelka lacagaha oo macnaha waxa weeye inta ay lacagi ka
noqoneyso marka loo eego lacagaha kale, sida aynu ka warqabna na lacagta
dalkeenu aad u qiimo dhacaysay muddooyinkii u dambeeyey oo imika
tusaaleahaan bishii 7aad ee sannadkii hore sarifka lacagta ee halkii dollar
waxa uu maraayey 7000/Sl/Shilling ah se January dan ama bishan aynu soo
dhaafneyn waxa uu soo gaadhey 9000/Sl/Shilling ah taas oo aynu odhan karno
lacagtii shilling Somaliland tu aad bay u qiimo dhacday runtii. Hada ba
waxa aynu isweydiineynaa maxaa sababey hoos u dhaca ku yimi qiimahii
shillingka Somaliland?, marka aynu arrintaas ka jawaabeynana waxa ay ku
xidhan tahay waxa aynu dhoofineyno iyo wax aynu soo dhoofsaneyno oo imika
Somaliland hadaad eegto wax badan ma dhoofino oo adhiga iyo xoogaa yaroo
kale ayeynu dhoofin jirnay, adhiga ayaana dhoofkiisu ugu badnaa waxa aynu
dibadda u dirno, markaa adhigii na imika wuu istaagay, wax badana waynu soo
dhoofsanaa oo dhammaan waxa Hargeysa laga isticmaalo oodhan ba dibadda ayaa
laga keenaa , sida oo kale waxa yaraaday lacagahii dibadda inaga soo geli
jiray, yaraantaas ay yaraatay awgeedna waxa ay sababtay in dollarkii dhex
yaalay wadanku uu yaraado.”.Ayuu yidhi Cabdishakuur

News Related