Published:

 

Hadaba tan iyo intii loo soo magacaabay degmada wajaale xoghaye cabdilaah xasan samaale ayaa uu

waxa uu wax wayny ka qabtay guud ahaan bilicda degmada wajaale isaga oo mudadii uu joogay isbadal

lataaban karo ka sameeyay guud ahaan degmada wajaale .

Hadaba xoghaye samaale ayaa isagu dayactir balaadhan ku sameeyay kaawaanka xoolaha lagu qalo ee

dagmada wajaale kaawaankan dayactirka lagu sameeyay taasi oo ay dhib badan ku qabeen dumarku

iyada oo xiliyada aroortii ay halis ugu jireen xayawaanada kala duwan balse haatan lagu xidhay albaab

ganjeela oo ay kaga raysteen xayawanadii ay halista ugu jireen .

Dhinaca kale xoghayaha fulinta degmada wajaale ayaa isagu kor u qaaday dakhliga dagmada kaasi oo

barigii hore hoos u dhacwayni ku yimid balse dadaal dheer oo uu galay isagu ku guulaystay in uu kor u

qaado dakhliga soo gala dagmada wajaale ,

Hadaba tiiyoo dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay ay dhamaan shaqaalaha kala duwan ee dawlada hoose

ay lahayeen miishaarkii iyo gunadii oo ay tahli gariwayeen maamulka magaaladu in ay bixiyaan ayaa

waxa sla markii xilka uu qabtay xoghaye samaale uu xooga saaray in uu talaabada ugu horaysa ee uu

qaaday noqotay in uu dhamaanba siiyo shaqaalaha kala duwan miishaarkii iyo gunadii oo ay lahayeen

dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay ,

Dhinaca kale waxa uu xoghaye samaale isagu ku guulaystay in burankii intabadan ka dhalan jiray dhulka

oo xaataa sobobi jiray in ay isku khilaafaan maamulka dhaxdiisu balse khibrad iyo waaya aragnimo uu

layimid xoghaye samaale ayaa iyadu sobobtay in uu meesha ka baxo murankii dhulku .

Dhinaca kale waxa intii uu joogay xoghaye samaale markaliya isbadalay nadaafada guud ahaanba

magaalada isaga oo subaxwalba shaqaalaha horkaca oo amara in ay maalinba ay meelnadiifiyaan oo

ayna maalina ka nasan nadaafada magaalada taasi oo sobobtay in ay bilicda magaaladu kor u sii kacdo .si

kastaba ha ahaatee xoghaye samaale ayaa isagu ah masuul khibrad iyo waayao aragnimo dheer ule

habka maamulka isaga oo mudadii yarayd ee uu xilka hayay si noqday masuulkii ugu horeeyay ee isagu

bixiya mushaarkii shaqaala oo dhawr bilood is gaadhgaadhay iyo in uu dakhliga soo gala degmada uu

gaadhsiiyay meel uuna abdidkii gaadhin .

Gabagabadii bulshada ku dhaqan magaalo ganacsiyeedka wajaale ayaa iyagu xusay hadii xukumadu hore

masuulkan oo kale hore ugu keeni lahayd ay degmada wajaale noqon lahayd magaalo lamida

caasimadaha kale ee dalka .

LASOCO QAYBTA LABAAD .

Dhaylo 149@gmail.com

News Related