Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray golayaasha Guurtida, wakiilada iyo Shacbiga Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida Marxuum xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil (maayakharij)
January 13, 2019 - Written by admin
Alfa Romeo

Alfa Romeo Stelvio B-TechConditions Salon : Bénéficiez dès maintenant de 8.000 € d’avantages et de 5 ans de garantie. Demandez une offre
Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray golayaasha Guurtida, wakiilada iyo Shacbiga Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida Marxuum xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil (maayakharij)
  • Nasir Yusuf Dahir Naska
    Jan 13 at 5:03 PM

    Tacsi Madaxweyne

    Taariikh: 13/01/2019

    INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil (maayakharij) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 13/01/2019, Magaalada Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Marxuumka, wasiir ku xigeenkii hore ee Maaliyada Axmed Xaashi Cabdi oo uu aabbihii ahaa.

    Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka mida tiirarkii lagu aas-aasay golaha guurtida Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, dib-u-dhiskii dalka iyo halgamadii kala danbeeyey ee loo soo maray dalka.

    Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

    Aamiin Aamiin Aamiin

     Maxamuud Warsame Jaamac

    Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
Latest News