“Waxaynu U Bixinaynaa Wadooyinka Magacyadii Khulafaa’u raashidiin” Duqa Hargeysa
January 14, 2019 - Written by admin
    

Duqa Magaaladda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa fadhigii golaha deegaanka ee hargeysa waxa xildhibaanadii ka soo xaadiray u soo jeediyay in magacyadda wadooyin hargeysa kuyaala u soo jeediyay in loo bixiyo magacyadda Khulafaa’u raashiidiin.

Waxa uu xusay in marka hore loo yaqaanay wadooyinkaasi numbaro, hasayeeshee hadda ay soo jeedintiisu tahay sidii magacyaddaasi looga bedeli lahaa, waxaanu yidhi

“Wadooyinka Hargeysa ku yaala oo markii hore loo yaqaanay Numbaro, waxa aan gole ahaan u soo jeedinayaa in aynu khulaafaa’u raashidiin u bixino.

Wadada ka timaada madaarka Ilaahay raali ha ka ahaadee, Wadada Numbar Onekana aynu Cumar Binu Khadaab u bixino (R.C), Wadada Togdheerna aynu u bixino Cismaan Binu Cafaan (R.C), Wadada beerta xorriyadana aynu u bixino cali Binu Abu Daalib” ayuu yidhi duqa Magaaladda Hargeysa.

In kasta oo waddooyinka hal bawlaha u ah Caasimadda Hargeysa uu ka muuqdo dayac badani, hadana golaha deegaanka ee ka arrimiya Magaaladda oo uu wakhtigoodu markii labaad dhamaad ku dhaw yahay waxa ay ku niyadsan yihiin in ay horumar u soo kordhiyeen shacabkii codadka badan siiyay.

COMMENTS
Latest News