Published:

Munaasibad Balaadhan oo loogu dabaal-dagayo Sanad Guuradii Shanaad Ee ka soo wareegtay Markii Dhidibada Loo Taagay Shirkadda Caymiska Ee Takaaful Insurance of Africa ayaa xalay lagu qabtay magaaladda hargaysa.

Munaasibadan loo qabtay ayaa kulmisay Haldoorkii iyo Labeentii Somaliland oo iskugu jiray salaadiin,aqoon yahay,culimo,wasiiro iyo xildhibaano kal kala tirsan golaha baarlamaanka ayaa dhamaantood isku raacay in adeegyadda ay shirkadda Takaaful Bixiso ay yihiin qaar bulshadu mahadisay.

Guddoomiyaha Shirkadda Caymiska Ee Takaaful Cumar Xuseen Xaaji Cumar ayaa faah-faahin ka bixiyay Waxyaabaha ay muhiimadda gaarka ah siiso shirkadooda Takaaful waxaana uu yidhi.“Shirkadda Takaaful Waa Shirkad Caymis ah oo bariga iyo badhtamaha Africa ka shaqeeya waana shirkadii ugu horaysay ee Caymiska Xalaasha ah ee laga furo somaliland waa caasimadii 2aad ee laga furo nidaamkan waxa kaliya ee inaga horaysay waxa weeyaan Nairobi.Guddoomiyaha Shirkadda Caymiska Ee Takaaful ayaa Ku Nuux-Nuuxsaday Hadafka Iyo Qorshayaasha ay Leedahay Shirkadda Takaaful iyo Sida ay Rabto in ay bulshadda somaliland ugu adeegto waxaana uu yidhi.

News Related