Gabileynewsonline.com
Gudoomiyaha Jaalliyada Guud ee Somaliland ee Dalka Jarmalka oo Hambalyo udirtay Shacabka Somaliland ee u Dabaal degaya Sannadguurada 28-aad ee Qaranimada Somaliland.
May 18, 2019 - Written by admin

Gudoomiyaha Jaalliyada Guud ee Somaliland ee Dalka Jarmalka Muna Maxamed Saleebaan ayaa Hambalyo udirtay Shacabka Reer Somaliland Meel kasta oo ay Dunida Dacaladeeda ka joogaan Munaasabada Sannad Guurada 28-aad ee ka soo Wareegtay Dib ula soo noqoshadii Somaliland Awgeed.
Gudoomiye Muna oo Dhambaal Hambalyo ah soo Gaadhsiisay Warbaahinta ayaa hadalkeeda u dhigtay sida tan


“ Waxaan Hambalyo udirayaa Dhamaan Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan Aniga oo Ku Hambalyeynaya Sanadguurada 28-aad ee Ka soo Wareegtay La soo noqoshadii Qaranimada Somaliland, Waxaan leeyahay Shacabka, Xukuumada, Xisbiyada Qaranka iyo Goleyaasha Qaranka Happy 18 may, Alle ha inagu Gaadhsiiyo Sanadka Sanadkiisa Nabad galyo, Caafimaad iyo Aqoonsi aynu kaga Mid noqona Qaramada Dunida”

COMMENTS
Latest News