Qaramada Midoobay Oo Khudbadii Madaxweyne Biixi Ee 18 May Bogaadisay
May 23, 2019 - Written by admin

Ku xigeenka ergeyga xoghaya guud eee qaramada midoobay u qaabilsan dalka soomaaliya ayaa golaha amaanka ee qaramada midoobay uga xog-waramay xaaladda soomaaliya.

Raisedon Zenenga ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka soomaaliya, kana mid ahaayeen, sidii uu xafiiskoodu iskugu dayay in uu wanaajiyo xidhiidhkooda iyo ka dawladda federaalka, kadib eryidii danjire nicholas hysom, xaaladda dhaqaale ee soomaaliya, isbedelka geeska afrika iyo xaaladda aamaanka ee dalka.

Raisedon Zenenga ayaa sheegay in wadahadalladii la isku mari waayay ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ay saameyn ku yeesheen dib u eegistii lagu sameyn lahaa dhameystirka dastuurka.

Waxaa uu sidoo kale bogaadiyay hadalkii madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu ka yiri xuska 18-ka May ee ahaa inay ka go’aantahay in Puntland ay kala shaqeeyaan arrimaha amniga, waxaana kamid ah sii deynta maxaabiista iyo in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan arrimaha amniga, gancsiga iyo waxbarashada.

COMMENTS
Latest News