Published:

 

Asalaamu Calaykum,

Ramadaan Wacan,

Waxaynu soo gudbiney qaybtii horee dagaalka,waxaynu maantana kuda galaynaa qaybtii labaad ee dagaalkii beder,waana qayb aad u muhima,

Dagaalka ka hor

Nebigu SCW wuu soo dhaqaajiyey ciidankii isagoo doortay boos ku haboon dagaalka,Khabbaab Binu Mundar ayaa rasuulka SCW u soo jeediyey in ceelasha biyaha beder ka danbeeyaan muslimiinta, si ay halkaas uga xukumaan Biyaha waayo dhulku wuxuu ahaa saxare lama degaan ah.

Asxaabtu waxay soo qabteen laba wiil oo reer quraysheed ah si ay uga ogaadaan tirada ciidanka quraysheed,waxay asxaabtii iyo nebigu scw ogaadeen in ciidanku yahay sagaal boqo ilaa kun dagaalyahan.

ciidankii muslimiintu sidaas ayey dagaalkii ugu diyaar garoobeen,ilaahayna SWT wuxuu usoo dejiyey roob qaboojiyey iyo hurdo si ay ugu nastaan dagaalka berri una xamilaan ka hortagga gaalada.

Waxaan nebiga scw loo sameeyey Cariishkii uu ka hoggaaminlahaa ciidanka waxaan arinkaa soo jeediyey Sacad Ibnu Mucaad.

Nebigu SCW habeenkaas muu seexan salaad iyo duco ayuu ku jiray ilaa intuu abiibakar u soo galay ku yidhi jooji nebi allow ilaah waa kaa aqbaliye. Rasuulka SCW wuxuu ka soo baxay taandhadii isagoo u bushaaraynaaya asxaabtii wuxuuna ku yidhi”booska hebelbaa berri ku dhimanayaa isagoo madaxdii quraysheed sheegaaya”.

Qooryaweyntii Quraysheed,

Halka uu Nebigu SCW ciidankiisii uga bushaareynaayey qalbigana ugu dhisaayey,Nimankii quraysh waxaa soo foodsaarey khilaaf weyn oo ka dhexqarxay,waxaa laakin markasta quraysh dhib ku ahaa ninkii abuu jahal oo markasta ka soo horejeesanaayey in la noqdo,khilaaf dheer ka dib intuu abuu jahal dadkii kiciyey oo xamaasad ku beeray ayaa waxay qurashi go’aansatay inay dagaalka galaan.

Bilowgii Dagaalka,

Qofkii ugu horeeyey ee dagaalka lagu dilay wuxuu ahaa nikii habaarka qabay ee la odhan jiray Alaswad Ibu Cabdil Asad,wuxuu yidhi biyaha ayaan ka soo cabayaa ka dib waxa maydkiisa isa saaray saxaabigii weynaa ee Xamsa Ibnu Cabdi Mudalib.

Intaas Ka dib waxaa bilaabmay dhoola tuskii dagaalka, sadex dagaalyahan oo quraysha ayaa badka iskeenay oo yidhi”yaa noo soo baxaaya” sadexdaa nin waxay kala ahaayeen,Cutba ,Shayba iyo Cutba wiilkiisii oo ahaa Waliid. Waxaa isla markiiba u soo baxay sadex dhalinyaro oo reer ansaara laakin waxay dhaheen qabiilkayaga iyo kuwa noo dhigmaa hannoo soo baxaan dabadeed waxaa u soo baxay isla markiiba,Xamsa,Cali iyo Cubayda.

Markiiba sadexdii gaal dhulka ayaa la dhigay maydkoodiina meesha ayaa looga tegay,nimankii quraysheed jabkii ugu weynaa ayaa ku dhacay,intaan laysgaadhinna way niyad jabeen waayo sadxe dagaalyahan oo qaali ah ayaa markaliya laysa saaray maydkoodii.

Isla markiiba gaaladii iyagoo xanaaqsan ayey weerar ku bilaabeen asxaabtii,sidaas ayaa gondaha laysku daray dagaalkiina wuu adkaaday rasuulku scw wuxuu ahaa mid ilaahay baryaaya oo leh”Ilaahow haddaad kooxdan yar halaagtid lagu caabudimaayo”aad ayuu ugu dheeraayday ducada ka dib wuu soo booday Rasuulku scw wuxuuna ku yidhi abiibakar”Bushaarayso abiibakarow waankan Jibriil oo fariiskisii boodhaysanyahay ee” kadib Nebigu SCW wuxuu qaaday sacab ciida wuxuuna ku qubay dhankii gaalada ,ciiddii waxay wada gaadhay dhamaan wajiyadii gaalada,maalinkaas dagaalka waxaa ka qaybqaatay malaa’ig uu hoggaaminaayey malakul jibriil.

Dagaalkii sidii ayuu ku socday ilaa uu ku soo dhamaaday guul weyn oo ay gaadheen asxaabtii iyo rasuulkii scw,muslimiintu waxay dileen todobaatan dagaalyahan oo quraysh kuwii ugu mudnaa ku jireen,waxayna soo qafaasheen todobaatan kale,Nebigu SWC intuu maydkii quraysh isu keenay ayuu kuyidhi”Qoyska Nebiga idinkaa u xumaa,waad i beeniseen misay dadkii i rumeeyeen,waad i hoojiseen misay dadku ii hiiliyeen,waad isoo saarteen misay dadku isoo dhoweeyeen”.

Guuldarada warkeedii wuxuu gaadhay degaankii Makka waxaana la sheegaa inaanu jirin guri aan baroorto gaadhin ilaa markii danbe ay Qurayshi mamnuucday in la baroorto.

warkii guushu markuu gaadhay magaaladii Maddiina waxaa hadheeyey farxad iyo guul ka dib waxay bilaabeen tasbiix iyo tahliil waxayna u mahadnaqeen Ilaahooda siiyey guusha weyn.

Dagaalkii Beder wuxuu noqday guul wayn oo muslimiinta u soo hoyatay ilaa maantana warkeeda la xiiseeyo,waxay noqotay in nimankii quraysheed ka cabsadaan muslimiinta,warkii guusha muslimiintuna wuxuu gaadhay calamkii waqtigaa jiray. Dagaalkii Beder uga sheekaysanmayno in aynu macaansano taariikhda iyo guulihii muslimiinta laakin waxaa ku duugan casharo aynu u baahanay in aynu isticmaalno waqtiyada dagaalka,casharkan ka kuxiga waxynu kaga warami doonaa casharada laga barankaro dagaalkii Beder.

Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu inoo soo celiyo guulihii islaamka ramadaantana innaga aqbalo. Aamiin, Aamiin.

Cabdinaasir Xasan Macallin

Zudaizi2020@gmail.com

+252634136953

News Related