Ethiopia: Dadka Sita Telefooonada Oo Aan Farriimo Isu Diri Karin
June 13, 2019 - Written by admin
Home  News

Ethiopia: Dadka Sita Telefooonada Oo Aan Farriimo Isu Diri Karin

0
    

Dadka ku sugan dalka Itoobiya ayaan awoodin in ay fariimaha gaaban isu diraan, ka dib markii uu adeeggaasi meesha ka baxay, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC Kalkidan Yibeltal oo ku sugan magaalada Addis Ababa.

Warkan ayaa yimid iyadoo dalkaasi uu ku jiro maalintii saddexaad ee khadku uu tagayo.

Khadka ayaa si ku meel gaadh ah u maqnaa salaasadii iyo Arbacadii.

Fariimaha la xannibay ayaa ku soo beegmaya  iyadoo ay socdaan imtixaannadii qaranka ee dugsiyada sare.

Dadka ayaa isla dhex maray in arrintan loola jeedo sidii looga hortagi lahaa in la qisho imtixaanka, balse dawladdu ma xaqiijin.

Arbacadiina telefeshinka Dawladda ee ETV ayaa ku warramay in la qabtay afar arday oo qishayay iyaga oo jawaabo isugu dirayay fariinta gaaban

COMMENTS
Latest News