Published:

Ma ogtahay In Madaxweyne Xigeenka Somaliland SHARE 30% Ah Uu Ku Leeyahay Wakaaladii Korontada Ee Lagu Wareejiyay Ganacsatada..
..
Soomaalidu Caqli Badan Ma Laha Oo Ay Arrimaha Ku Miisaamaan,
Cid Uunbay Budhka Iskala Kori Taqaanaa,
Waxaad Arkaysaa Bulshada Qof Yar Iyo Weyn Waxaa Ku Wada Qufulan Madaxweynahaa Waxaas Xumeeyay.
Madaxweynahaa Sidaa Sameeyay,Ma Arkaysid Iyagoo Soo Hadal Qaadaya Ninka Madaxweyne Ku Xigeenka Ah,Oo Loo Doortay Sida Madaxweynaha Loo Doortay.
,Isaga Ma Moodayaanba Inuu Wax Xumayn Karo.
Anigu Waxaan Qabaa In Dhibaatada Iyo Musiibada Daacuunka Noqotay Ee Dalka Waalaysaa Uu Yahay,Craxmaan Zaylici.
Waxaa Weli Raadkiisii Sii Qoyan Yahay Jillaafooyinkii Iyo Dabinadii Uu Ku Xidhi Jiray Dawladii Siilaanyo.
Xisbiga Kulmiye,Wakhtigii Muuse Biixi Lagu Wareejinayay,Dhibaatadii Ugu Badnayd Ninkii Geystay Buu Ahaa Zaylici.
Wuxuu Ahaa Zaylici Saami Qaybsigii Ay Ku Doodi Jireen Reer Awdal,Kolkii Uu Wax Ka Qabo Is Yidhi Axmed Siilaanyo,
Ninkii Jilaafooyinka U Dhigay Ee Reer Awdal Oo Xilal Dheeraad Ah Loogu Talo Galay In La Siiyo,Nidaamkii Qalloociyay Ee Reerkiisa Maxamed Case Wixiiba Ka Dhigay..Ayuu Ahaa.ZAYLICI.
Waxaan Weli Xasuustaa Kolkii Haamaha Kaydka Lagu Wareejinayay Ganacsatada Zaylici Waxa Uu Ahaa Ninkii Ku Yidhi Ganacsatada Arrinkaasu Socon Maayo Ilaa Aad Hawshayda Dhammaysaan,Kolkii Ay Hawshiisa Weydiiyeenna,Waxa Uu Si Aan Gabbasho Lahayn U Yidhi 300 Kun Oo Dollar Ha Lay Siiyo,..
Siilaanyo Kolkaa Safar Buu Ku Maqnaa,Ganacsatadii Dib Kolkay Isugu Noqdeen Waxay Isla Garteen In 150kun La Siiyo.
Hirrig ! Wuu Isa Soo Taagay ,Isagoo Leh Waa I Yarasanaysaan.
Maalinkii Danbe Ayuu Dirqi Ku Qaatay Kolkii Gadhka Iyo Gondaha La Qabtay,
Hadana Jidh Xunimo Inta Uu Ka Qabo Kolkii Laga Doodayay In Haamaha Laga Soo Celiyo Ganacsatada Ee Muuse Xukunka Qabtay,Isaga Ayaa Hor Boodayay Oo Lahaa Ganacsatadu Xaaraan Bay Ku Qaateen Haamaha,
(Tolow Haddii 300 Ee Kun Loo Dhamayn Lahaa Berigii, Markan danbe,ma Difaaci Lahaa, Mise Waa Naban? Maye Waa Naban Doofaarna Abidkii Ma Daahiro.
Shacbiga Somaliland Hadaba Waxaan U Sheegayaa Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Waa Ninka Dhaqankiisu Caynkaasi Yahay.
Warshadii Laydhka Ee Lagu Wareejiyay Ganacsatada Craxmaan Zaylici Dhinacna Wuxuu Dillaal U Ahaa Ganacsatada Lagu Wareejiayay Ee Ina Aw Siciid Iyo Dahab Shiil.Dhinacna Isagaa Share 30% ah Ku Lahaa Wakaalada Korontada.
HADABA Madaxweyne Bulshadii Qaaq Bay Ka Taagan Tahay Sicir Bararka Dhiig Miiratada Laydhka Sompower .
Ee billaa calayk Madaxweyne Ummadda Uga Soo Celi Warshadii Laydhka.
Madaxweyne Xasuuso Dhaartiii Aad Shacbiga Ugu Martay Inaad Dalka Daacad U Maamulayso.
Madaxweyne Zaylici Waa Axmaq Is Nabaya,
Madaxweyne Isagaa Share Ku Leh Wakaalada Korontada.
Madaxweyne Waxa Uu Sameeyo Zaylici Waxay Ku Calaamadsanaan Doonaan Adiga.
Madaxweyne Cidna Haka Yeelin Inay Magacaaga Gubto.
Madaxweyne Waxa Uu Zaylici Aaminsan Yahay Ma Kolbuu Adiga Yoolku Ku Haystaa Maxaa Kaa Galay Waxaa Doonto Samee.
Madaxweyne (Hooyadii Ka Guur Habaryartii Uma Negaado),
Waxaa Ka Dhigan Zaylici Oo Boqol Jallaafo U Dhigay Madaxweyne Siilaanyo,Dee Adigana Hadh Kuu Jiidi Maayo.
Madaxweyne Warshadii Laydhka
Madaxweyne Warshadii Laydhka Uga Soo Celi Shacbiga Ku Doortay,Sompower…
Si Kastaba Ha Ahaatee Shacbiga Magaalada Hargaysa Waxay Madaxweynaha Ka Dalbanayaan Inuu Gacantii Dawlada Kusoo Celiyo Wakaaladii Korontada,
Siciid Cabdi Buraale..(Casoowe) Hargaysa

News Related