Gabileynewsonline.com
Madaxweynihii Saddexaad oo lagaga Dhawaaqay Kismaayo
August 23, 2019 - Written by admin

)- Afhayeenkii hore ee maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa lagu soo waramayaa in garabka mucaaradka u doorteen in uu noqdo madaxweynaha, taasoo ka dhigay in muddo Laba cisho gudahood ah Jubbaland yeelatay ilaa saddex madaxweyne,

Marka laga soo tago doorashadii shalay ee Axmed Madoobe waxaa isna Kismaayo kaga dhawaaqay in uu madaxweyne yahay Cabdirashiid Maxamuud Xidig oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulan magaalada Kismaayo ka dhacay ayay taageerayaashiisa iyo waliba qaar ka mid ah musharixiintii Isbadal Doonka waxaa ay kaga dhawaaqeen in Cabdinaasir Seeraar yahay madaxweyne Jubbaland, waxaana muuqata in garabkii mucaaradka ee musharixiintii Isbadalka Doonka hadda laba garab u sii qeybsameen.

Kismaayo ayaa u muuqata in ay cagaha galisay khilaaf siyaasaded oo xoog leh, waxaana arintan u eeg tahay sanadkii 2013 oo Jubbaland yeelatay ilaa shan Madaxweyne oo iskood isku caleemo saaray.

COMMENTS
Latest News