Gabileynewsonline.com
Somaliya Iyo Midawga Yurub Oo Kala Saxeexday Dhaqaale Lagu Dhisayo Wadooyinka Berbera
August 31, 2019 - Written by admin

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka dhacday xaflad loo qabtay saxeexa lacag 13 Milyan oo Euro ah, taasoo midowga Yurub ay ku horumarinayaan magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.

Wasiirka qorshaynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, iyo agaasimaha midowga Yurub u qaabilsan horumarinta caalamiga ah, ayaa si wada jir ah ugu saxeexay magaalada Muqdisho, xafladdan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Mashruucan ayaa loogu magacdaray Eng. Yariisow, iyadoo lacagta badankeeda lagu bixin doono magaalada Muqdisho, taasoo laga dhisi doono waddo casri oo dhererkeedu yahay 17 Km, iyadoo kharashka ku bixi doonana loo qoondeeyay 15 Milyan, halka magaalada Berbera iyana loogu talagalay 7 Milyan oo Dollar laguna horumarin doono arrimaha dhallinyarada iyo dawladaha hoose.

Xafladdan ayaa waxaa kasoo qaybgalay qoyska guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, oo loogu magac daray mashruucan.

COMMENTS
Latest News