Gabileynewsonline.com
Masuul Ka Tirsan Dawladda Masar Oo Ku Baaqay In La Aqoonsado Somaliland
September 15, 2019 - Written by admin

La taliyaha wasiirka Arrimaha Gudaha dawladda Masar Jamaal Cabdi Sataar ayaa ugu baaqay dawladdaha Caalamka in ay aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland, lana gaadhey xiligii la aqoonsan lahaa dalka.

Jamaal Cabdisataar oo qoraal dheer ku qoray warbaahinta ugu magaca waaweyn wadamada Carabta ayuu kaga hadlay taariikhdii dheerayd ee ay Somaliland soo martay iyo waxyaalihii kala duwanaa ee usoo qabsoomay, waxaanu sidoo kale kaga sheekeeyey qoraalkaasi uu ka qoray Somaliland masuulkani dhibaatooyinkii ay ka dhaxashay midawgii ay la gashay dawladdii Somaliya ee uu talyaanigu gumaysan jiray iyo halkgankii ay usoo gashay dib ula soo noqoshadii xoriyadeeda.

Masuulkan ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku xusay horumarka kala duwan ee ay Somaliland ku talaabsatay tan iyo wixii ka dambeeyey 1991-kii oo ay xoriyadeedii luntay dib ugala soo noqotay dalkii laysku odhan jiray Somaliya ,doorashooyinkii kala dambeeyey ee dalka ka dhacay ,horumarka dhaqaale ee ay gaadhey ,isaga oo xusay shirkaddaha waaweyn ee  dalka Maalgashiga ku sameeyey mudadaasi ay Somaliland gaarka ka ahayd Somaliyadii ay la midawday 60-kii

Waxa kale oo uu uu Mr  Jamaal Cabdisataar qoraalkiisa kusoo qaatay  wadamada kala duwan ee xafiisyada ku leh caasimadda Somaliland ee Hargeysa, sida xafiiska Safaaradda u ah dalka Ethiopia, Jabouti, Turkey-ga iyo Kenya oo hadda wada qorshaha ay Somaliland kaga furanayso  safaarad cusub.

Waxa uu sidoo kale soo qaatay dhismeyaasha ay dawladda Jamaal Cabdi Naasir ka hirgelisay Somaliland waqtigii ay isku jireen Somaliya, kuwaas oo ay kamid tahay maktabada Saqaafada Islaamiga ah ee magaaladda Hargeysa oo uu sheegay in loo baahan yahay in dib u dhis lagu sameeyo ,si loo ilaaliyo taariikhda ma guurtada ah ee ka dhaxaysa Somaliland iyo Dalka Masar.

Mr Jamaal waxa uu sheegay in xiligan la joogo xiligii la aqoonsan lahaa Somaliland oo buuxisay shuruudihii dal lagu aqoonsan lahaa , madaama oo ay muddo dheer ka madaxbanaanayd dalka ay dagaaladdu ragaadiyeen ee Somaliya , kuna jirtay goobaha  ugu xasiloon geeska Afrika.

Waaberinews Hargeisa Office

COMMENTS
Latest News