Gabileynewsonline.com
Sirdoonka Ethiopia Oo Fashiliyay Qaraxyo Addis Ababa Lala Maaganaa, Qabtayna Hogaamiyihii kooxda falkaasi soo maleegtay
September 22, 2019 - Written by admin

Ciidamadda Sirdoonka ee Wadanka Ethiopia ayaa ku guulaysatay qabashada shabakad isku xidhan oo qorshaynaysay in ay qarax ka geystaan Magaaladda Addis Ababa ee Caasimada Wadankaasi.

Raggan la qabtay in kasta oo aan Tiradooda la shaacinin, hadana waxa uu warku sheegayaa in ay ka tirsan Yihiin Ururka Alshabaab oo ka dagaalama dalka Soomaaliya.

qorshaha Kooxdan ayaa la tilmaamay in uu ahaa sidii ay weeraro uga fulin lahaayeen xarunta Warbaahinta Dawladda Ethiopia ee EBC,Hasayeeshee lagu dabo jiray, sidaasna lagu soo qabtay.

“Kooxdani waxa ay qorshaynayeen weeraro ay ka geystaan Hudheelo, Goobaha la isugu soo baxo xusaska diimaha iyo meelo kale oo si caam ah loo wada leeyahay” ayaa lagu yidhi war kooban oo ka soo baxay NISS.

Sirdoonka wadanka Ethiopia oo kaashanaya kan jabouti ayaa warku uu sheegayaa in ay ku guulaysteen qabashadda hogaamiyihii kooxdaasi oo lagu Magacaabo Muhammed Abdulahi,

COMMENTS
Latest News