Gabileynewsonline.com
Xaaji Saalax: Gorgor Ilmo Yar Dhaawacyo Soo Gaadhsiiyay
September 22, 2019 - Written by admin
Home  News

Xaaji Saalax: Gorgor Ilmo Yar Dhaawacyo Soo Gaadhsiiyay

0
    

Deegaanka Xaaji Saalax oo ka tirsan Gobolka Daad Madheedh ayaa lagu soo waramayaa in uu wiil yar ku cunay gorgor.

wiilkan yar ayaa waxa uu gorgorkaasi soo gaadhsiiyay dhaawac halis badan, waxaanay wararku sheegayaan in dhaawaca wiilka yar loo qaaday dhinaca Magaaladda Burco.

Dhawr maalmood ka hor ayay ahayd markii uu deegaanadda gaashaamo ee wadanka Ethiopia uu afar caruur ah ku cunay gorgorkaasi.

mid ka mid ah afartaasi caruur ah ayaa xilligaasi u dhintay dhaawacyadii uu soo gaadhsiiyay gorgorku, hasayeeshee saddex kale ayaa iyaga la dabiibayaa dhaawacyadii uu soo gaadhsiiyay.

sidoo kale deegaan ku yaala isla Ethiopia, gaar ahaan deegaanadda soomaalida ayaa waxa uu sidaas oo kale gorgorkani weerar ugu qaaday dhalinyaro halkaasi ku sugnayd, kuwaas oo aanu xilligaasi waxba gaadhsiinin.

COMMENTS
Latest News