Gabileynewsonline.com
Hargeysa: Ciidamada Booliska Oo Ka Jawaabay Eedaymo Fanaan Ay Xalay Qabteen Ujeediyay
September 25, 2019 - Written by admin

Sida Cadada ah Ciidanka Boolisku Habeenkii Waxay Sameeyaan Roondo kuwaas oo Ilaaliya Nafta Iyo Maalka Muwaadiniinta.

Hadaba Ilaa xalay waxa baraha Bulshada ka soo muuqanaayay Fanaan Qamar Sugaani oo sheeganaayay in ciidanka boolisku jidh dil u gaysteen.

*Sidee Wax u Dhaceen :-

Ciidan Roondo kaga jira agagaarka Star ayaa waxay beegsanayeen qaar ka mida dhalinyarada kooxo kooxaha isku layso oo markaas ku sugnaa xaafada caalamada waxay qabteen qaar ka mida dhalinyaradii ay ku raad jogeen ciidanku.

waxa goobta joogay ninkaa fanaanka ah oo gabadh wata gabadhii ayaa carqaladaysay isla markaana dhirbaaxday mid ka mida Ciidankii iyadoo ka ridaysa Ciidanka Dhalinyaradaas ay qabteen .

*Intaasi Ka Dib Maxaa Dhacay :-

Fanaanka ayaa hiilimaad u galay gabadhii Askariga dhirbaaxday waxaana uu isku dayay in uu ka waabiyo ciidanka gabadhaasi, intaas ka dib ayaa is af dhafeen ciidankii iyo wiilka fanaanka ah.

Ninka Fanaanka ah ma sheegin waxa rasmiga ah ee ay iskugu Yimadeen Ciidanka Balse waxa uu Eedo uun huwinaayay Ciidankaasi shaqada Qaran Ku Jira .

Warbaahinta Ciidanka
Booliska S/Lanad .

COMMENTS
Latest News