Gabileynewsonline.com
Siyaasiga Cabdilaahi Geel Jire Oo Waddani Ku Biiray
September 28, 2019 - Written by admin

Siyaasiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo hore xilal wasiirnimo uga soo qabtay xukuumadii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shaaca ka qaaday in uu ku biiray xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Cabdilaahi Jaamac Cismaan oo khudbad ka jeediyay shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani oo ka socda Magaaladda Burco waxa uu sheegay in maanta laga bilaabo uu ka tirsan yahay xisbigan, waxaanu yidhi ““Waxaan meesha ka saaraya waxa la yidhaa Siyaasi Madax bannaan, hadda laga bilaabo Waddani baan ahay… Xisbigan waxa aan ugu soo biiray waa magaca la yidhaahdo Rajada shacabka,”

COMMENTS
Latest News