Gabileynewsonline.com
Gudida Beesha Bariga Hargaysa Oo Beeniyey Koox Afka Beesha Ku hadlay
November 13, 2019 - Written by admin

: Gudida Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa, Sabawanaag iyo Cadaadley oo shir-weyne balaadhan maantaiskugu yimi xarunta guud ee Gudidu ku leedahay magaaladaHargaysa.

Waxaanay  ugu horeyn waxa ay iska xaal-wareysteenxaalada guud ee dalka iyo sida ay beeshu uga qaadan lahaydkaalinteeda kaga aadan.

Shirkan oo ah mid todobaadle ah oo ay todobaadkiiba hal mar ku kulanto ayaa ugu horeyn waxa ay hambalyo u direenTaliyaha iyo Taliye Kuxigeenka cusub ee dhawaantamadaxweynuhu u magacaabay hogaaminta Ciidanka BooliskaSomaliland, kuwaas oo ay tilmaameen inay yihiin rag karti iyoaqoon u leh xilalkaas loo magaacabay.

Gudida ayaa sidoo kale cambaareeyey koox sheegatay  madax-dhaqameedka iyo wax-garadka beesha oo ku hadashay magareerka. War-murtiyeed ay Gudida Guud Ee Beesha BarigaHargeysa kazoo saartay arimahan ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

War-murtiyeed:

Shirkii todobaad-laha ahaa ee Gudida Guud ee Beesha BarigaHargeysa , oo maanta ka qabsoomay Guriga Gudida Guud eeBeesha Bariga Hargeysa , ayaa waxa ay Gudidu ugu horeynHambalyo u diraysaa Taliyaha iyo Taliye Kuxigeenka cusub eedhawaanta madaxweynuhu u magacaabay hogaaminta CiidankaBooliska Somaliland, kuwaas oo aanu u aragno inay yihiin rag khibrad iyo aqoon u leh xilalkaas loo magaacay.

Gudidu waxa ay cambaaraynaysaa isla markaasina ay beeninaysaa koox sheegatay Cuqaasha iyo madax-dhaqameedkabeesha, isla markaasina sheegtay inay ku hadlayaan magacabeesha, Hadaba Gudida Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa, waxaay halkan ka beeninaysaa kooxdaas is magacawday ee sheegatayinay ku hadlayaan afka beesha kuwaasi oo aanu halkan kacadaynayno in aanay ku hadli Karin magaca Beesha.

Guntii iyo Gunaanadkii Gudida Guud Ee Beesha BarigaHargeysa, waxa ay halkan ka cadaynaysaa in cid aan ahaynGudidan  Beeshau kusoo dooratay shir-weynihii ay dhawaan kuyeelatay Degmada Cadaadley aanay ku hadli Karin magaca iyoafka beesha

 

Allaa Mahad Leh

Xoghayaha Guud Ee Gudida

Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa

Khadar Ciise Cabdi.

COMMENTS
Latest News