Published:

Bishii August 1960 , laba bilood ka dib israacii Labada gobol, abwaan Timacade AHN isagoo cabiraaya khiyaamadii umada reer somaliland kala kulmeen israacii somali talyaani July 1960 dhinaca xukunka iyo dhaqaalaha waxa uu yidhi:
Midi waa dacwadayda dabuub aanu maqlaynay dareenbaanu ka qabnaa, dugsigii baarlamaanka iyo dekedii xamarbaa leh,berbera daadku ha qaado, ha daaduumo dadkeedu, dooni yaanay ku weecan. Iyada oo ayna qoraal samayn madaxdii somaliland ee waqtigii israaca taariikhdaa madaw, nasiib wanaag gabayga abwaan timacade waa masxaf taariikhi ah , muujinaayana sidii madaxda somali talyaani u boobeen xukunkii iyo dhaqaalaha reer somaliland. Dekedii berbera ay qufuleen, dadkiina uu israacii u keenay macaluul. Maanta oo aynu wadankeenii la soo noqonay wasiirka arimaha dibada oo ku hadlaaya afka farmaajo June 2020 waxa uu imaraadka ku qasbaayay in dekeda berbera la qufulo, si aynu macaluul ugu dhimano.
Gunaanadkii waxa madaxwaynaha la gudboon in uu aqoonsiga jamhuuriyada somaliland ka raadiyo caalamka. SI dhagarta aan quusta lahayn ee somali talyaani looga feejignaado. Qodobka kaliya ee ay shirka jabuuti 2020, la yimaadeen waxa uu ahaa in siyaasiyiinta reer somaliland ee xamar u shaqo tagay loo ogolaado in ay somaliland fasax ku yimaadan. Qodobkan oo ah dhagar shaydaan, oo wadankeena ku keeni kara dagaal sokeeye iyo bubur qaran. Hadaba dawladu waa in ayna wax ictiraaf ah ka raadin dawlada somali talyaani, lagana foojignaadaa dhagartooda. Si sharcigu u shaqeeyo loogana hortago dhuuniqaatayaasha wakiilka u ah dawlada xamar, waa in ninkasta oo xamar u shaqo tagay isagoo maqan lagu xukumaa 30 SANO oo xadhig ah.
In umadu warshadaha ku dhisto si saami qaybsiya ( share ) , uguna horayso warshada sibidhka, si aynu dhaamam iyo wadooyin ugu dhisano. Aduunyada maanta horumartay waxay dhaqaalahooda ku dhiseen suuqa xorta ah iyo maalkooda oo ay isu geeyaan. Dawladeenu waxay abuuri kartaa gudiyo aamin ah oo madaxbanaan, si gudigaas oo kaashanaya bangiyada somaliland ay umada u soo bandhigaan in warshada sibidhka qofkastaa uu kaga soo qaybgali karo si saami qaybsiyo. Hadaba maxa inaga hortaagan in aynu maalkeena isu gayno si aynu uga baxno gaajada iyo baryada bani’aadmiga
Gabagabadii ciidanka oo ah ka cadawga ka horjooga in ay wadankeena soo galaan waxa waajib inagu ah in awooda ciidanka iyo daryeelka caafimaadkooda laga dhigo muhiimada koowaad ee jamhuuriyada somaliland, si ay nabadgalyada iyo sharciguba u sugmaan.

News Related