Madaxda ayaa ka arrinsaday sidii ay Soomaaliya uga qabsoomi lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda, kana turjunta hiigsiga iyo horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo maamulka Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, si loo xoojiyo xasilloonida, midnimada iyo nabadda.
Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka oo hagaya in doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoonto.
“Kulanka ayaa ku qotamay sii ambaqaadidda qodobadii Warmurtiyeedkii 17-kii bishan ay wadajirka u soo saareen Madaxwaynaha JFS, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo qodobkiisa 11-aad uu qeexayey in Heshiiskan siyaasadeed loo gudbindoono Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.” ayuu yidhi Cabdirashiid.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Guddoonka Baarlamaanka in ay sii ambaqaadaan qodobbadii ka soobaxay Shirkii Muqdisho, kana gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee ka saaran dhaqan-gelinta qodobbadii ka soo baxay.