Gabileynewsonline.com
Madaxweynaha DDS Itoobiya Oo Kulan La Yeeshay Wefti Somaliland Ka Socday
November 11, 2020 - Written by admin
    

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Somaliland oo shalay shir magaaladda Jig-jiga kaga qayb galay.


Shirkaasi oo socday muddo saddex maalmood ayaa lagaga hadlay sidii wax looga qaban lahaa ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta.


Kulankan uu weftiga Somaliland ka socday la yeeshay madaxweyne Cagjar, waxaa ku wehelinayay masuuliyiin ka socday haayadda CCF oo ka shaqaysa daryeelka iyo ilaalinta Harimacadka.
Waxaana kulankaasi lagaga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka dadka ku hawlan ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta.


Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa weftiga Somaliland ka socday ku booriyay in ay muhiim tahay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka ugaadhsi iyo ka ganacsiga aan sharciga ahayn ee ugaadha.


Geestiisa C/naasir Axmed Xirsi, agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland oo weftiga dhinaca Somaliland hogaaminayay ayaa madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uga mahad celiyay qaabilaadda uu u sameeyay.

 

COMMENTS
Latest News