Gabileynewsonline.com
Shaybaadhja Hubinta Tayadda Biyaha Caasimadda Oo Xadhiga Laga Jaray
November 14, 2020 - Written by admin
    

Somaliland ayaa markii u horaysay yeelatay shaybaadka hubinta tayadda biyaha ay cabayaan bulshadda caasimadda Hargaysa kaasoo laga hirgeliyay xarunta wakaaladda biyaha ee magaaladda Hargaysa.

Waxaana shaybaadhkaasi maanta si rsmiya xadhig uga jaray madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici).

Shaybaadkani ma aha mid gaara in lagu hubiyo tayadda biyaha ka yimaadda deegaanka Geed-deeble ee woqooyiga Hargaysa, kaasoo laga waraabiyo caasimadda.

Balse sidoo kale waa mid lagu shaybaadhi doono biyaha ay soo dhaamiyaan Booyaha ee ay ka iibiyaan dadweynaha degan xaafadaha caasimadda Hargaysa qaarkood.

Daawo: Warkaasi:

 

 

COMMENTS
Latest News