Gabileynewsonline.com
Xarun Caafimaad Oo Laga Hirgeliyay Magaaladda Dilla Ee Gobolka Awdal
November 16, 2020 - Written by admin
    

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray cusbitaal laga hirgeliyay degmadda Dilla ee gobolka Awdal.
Munaasibadii xadhig ka jarka xaruntaasi waxaa ka soo qayb galay Mahdi Cismaan Buuri. Wasiir ku xigeenka caafimaadka, agaasimaha waaxda cusbitaaladda wasaaradda caafimaadka, dhakhaatiir.
Maamulka degmadda Dilla, saraakiil ka socday haayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda caafimaadka iyo marti sharaf kale.
Cusbitaalkan ayaa ka kooban qayabaha Bukaan-jiifka, bukaan-socodka, iyadoo dhawaana lagu soo kordhin doono qaybta shaybaadhka.

 

COMMENTS
Latest News