Gabileynewsonline.com
Maxay Jabuuti Uga Werweraysaa Horumarka Dekeda Berbera?
November 29, 2020 - Written by admin
Dekeda Berbera
Dekeda Berbera
    

Dowladda Jabuuti waxay ka walaacsan tahay koritaanka Dekedda Somaliland ee Berbera inkasta oo madaxweyne Geelle uu sheegay in aan loogu hanjabin waxyaabaha soo kordha.

Waraysi uu todobaadkii hore uu siiyey The African Report, waxa uu dhirbaaxay shirkadda DP World, wuxuuna diiday in ay horumarinayso dekedda Berbera. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ku sheegay shirkadda qaabilsan horumarinta badaha ee fadhigeedu yahay Dubai mid abuuraysa wax aan jirin laakiin wax yar ay ka muujineyso shaqadeeda.

Markii la weydiiyay in DP World oo si ballaadhan u horumarinaysa Dekedda Berbera ay khatar weyn ku hayso dekedda Djibouti, wuxuu Geelle yidhi: “Si ballaadhan? Ma maqal wax horumarin ah illaa hadda, oo aan ka ahayn soo jeedinta mashruuca. DP World waxay ku fiican tahay abuurista, laakiin, ugu dambeynta waxba ma dhacaan. Xitaa kuma arkaysid wish la taagay. Waan soo ogaanay”.

Si kastaba ha noqotee, wararku waxay tilmaameen in dekedda Berbera, markii la dhammaystiro loo tartami doono qayb ballaadhan oo ganacsi badeed oo ka socda Badda Cas oo ay hadda ku badan tahay Djibouti

Ma jiro wax jacayl ah oo u dhexeeya dawladda Djibouti iyo DP World oo ku loolamaya dagaal sharci ah ka dib markii hoggaanka Geelle uu meesha ka saaray qandaraaskii ay kula jireen DP World ee ahaa inay maamusho Terminal-ka Doraleh Terminal (DCT) bishii Febraayo 2018, ka dib khilaaf u dhex maray labada dhinac. DP World waxay ku tilmaamtay tallaabadaas mid sharci darro ah oo lagula kacay waxaanay dacwad ka furatay Maxkamad caalami ah waxaanay ku guuleysatay kiiska.

Hawlwadeenada Dubai waxay ku doodayeen in dawlada Jabuuti siiso $ 485m maadaama si sharci daro ah looga qaaday Qandaraaska.

Kobaca dekedda Berbera ayaa la sheegayaa inuu Jabuuti madax xannuun ku keenayo maadaama ay noqonayso bedel kale oo shidaal iyo ganacsiba ku soo kordhin kara kanaalka Suez.

Sida laga soo xigtay Guuleed Axmed, oo ah Aqoonyahan aan deganayn oo ka tirsan MEI, khabiir ku takhasusay tamarta iyo kaabayaasha biyaha, iyo ganacsade, Berbera iyo Saylac, oo ka mid ah magaalooyinka ganacsiga qadiimiga ah ee Geeska Afrika, ayaa in badan soo jiitay xiisaha quwadaha adduunka sababta oo ah waxay ku yaaliin meel istiraatiiji ah oo u dhow marinka Bab el-Mandeb ee isku xidha Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Goobtani waxay ka dhigaysaa dekedaha xeebaha Somaliland inay ka mid yihiin hantida ma guurtada ah ee ugu qiimaha badan mandaqadda isla markaana beddel u ah Jabuuti oo ay kaalin muhiim ah kaga jirto dhinacyada ganacsiga, horumarka, tamarta, iyo nabadgelyada biyaha ee Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Axmed oo sii wada hadalkiisa waxa uu sheegay inay jiraan walaac laga qabo mustaqbalka dekedda Jabuuti, oo IMF ay ku tilmaamtay ‘halista sare ee deynta cakiran,’ oo loo barbardhigi karo Dekedda Sri Lankan ee Hambantota oo lagu dhisay maalgelinta Shiinaha isla markaana ay Beijing gacanta ku dhigtay kadib xukuumada Colombo. ku guuldaraysatay inay fuliso waajibaadkeeda deynta. Laga soo bilaabo 2018, waxaa lagu qiyaasay in Jabuuti ugu yaraan $ 1.2 bilyan uu ku leeyahay Shiinuhu.

Dalka halka xisbi ka kooban intii uu madaxweynaha ka ahaa Ismaaciil Cumar Geelle, waxa bilowday barnaajimka horumarinta kabayaasha dhaqaalaha oo lagu maal geliyey $ 12.4, lacagtan badankeeduna waxay ahayd amaah ka timid Bangiga Dhoofinta iyo Soo-dejinta Shiinaha.

Sidaa awgeed Shiinuhu saamiyo waaweyn ayuu ka qaatay qaybo ka mid ah mashaariicdaas. Madaxweyne Geelle mar la weydiiyey Daynta Shiinuhu ku leeyahay waxa uu tilmaamay in ay aad uga yar tahay inta lagu sheego, waxa uu ku sheegay in ay tahay 450 Milyan, marka loo eego Itoobiya 16bn iyo Kenya 20bn oo Dollar.

Busiweek

COMMENTS
Latest News