Gabileynewsonline.com
DAAWO;-Tababar Gabiley Uga Furay Degmooyinka Ceerigaabo, Laascanood, Caynaba Iyo Sallaxlay.
December 5, 2020 - Written by admin
-Magaalada Gabiley ayaa maanta marti galisay Tababar loo qabtay maamulka degmooyinka dalka qaar kaasi oo la xidhiidruuca dawladaha hoose ee JPLG Degmooyinka Ceergaabo.laascanood, Caynabo iyo Sallaxley kaasi oo ujeedadiisu ahayd mid la xidhiidha sidii ay isku dhexgali lahaayeen degmooyinka dalka.

Waxaana muhiimada tababarkan iyo ujeedooyinkiisa ka hadlay madaxa mashruuca JPLG Eng Jiciir masuuliyiin ka socday wasaarada arimaha gudaha.

Dhanka Kale maayarka magaalada gabiley Maxamed amiin cumar cabdi ayaa isna furitaanka tababarkan hadalo ka jeediyay Iyadoo maayarka magaalada gabiley lagu amaanay horumarka ay ku talaabasatay oo lagu sifeeyay in ay hormuud ka tahay fulinada mashruuca dawladaha hoose ee JPLG.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
Latest News