Gabileynewsonline.com
Maamulka Buuhoodle Oo Soo Kormeeray Deegaamo Gobolkaasi Ka Tirsan
December 15, 2020 - Written by admin
    

Maamulka gobolka Buuhoodle ayaa maanta kormeer ku soo maray deegaamo ka tirsan gobolkaasi.
Weftigaasi waxaa hogaaminayay badhasaabka gobolka Buuhoodle Mustafe Xaaji Cabdi.
U jeedada kormeerka weftigaasi ayaa ahayd sidii u bulshadda ugu wacyigelin lahaayeen in ay diyaar garoobaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo dhawaan ka bilaabmi doonta Buuhoodle iyo gobollo kale.
Waxaanay weftigaasi soo kormeereen deegaamadda Maygaagle, Dhalaama Cunne, Carro-weyn, Gucundhaale, Horufadhi, Dan-dan, Widhwidh iyo tuullooyin kale.
Deegaamadaasi oo dhamaantoodba ka tirsan gobolka Buuhoodle.
Daawo:Warkaasi:

COMMENTS
Latest News