Gabileynewsonline.com
Dablay Hubaysan Oo Caawa Magaalada Laascanood Ku Dilay Saraal Katirsanaa Maamulka Kastamka.
December 17, 2020 - Written by admin
Editor:

LAASCANOOD(W,N)-Dablay Hubaysan ayaa caawa fiidkii Magaalada laascanood ku dilay Alle ha,unaxariistee Marxuum Cabdirashiid Dhagjar Oo kamid ahaa shaqaalaha kastamka Magaalada laascanood.

Sidoo kale wararka laga helayo Dilkan ka dhacay magaalada laascanood ayaa sheegaya in ay baxsadeen dablaydii dilka fulisay halka maydkii marxuumka kamid ahaa shaqaalaha Wasaarada maaliyada ee kastamka laascanood la geeyay Cisbitaalka magaalada

Majiro wax war oo ay dilka Marxuumkan kasoo saareen Maamulka gobolka Iyo  laamaha amaankuba ee gobolka sool.

Magaalo madaxda gobolka sool ee laascanood ayaa waxaa Mudooyinkii ugu danbeeyay ka dhacay falal dilal ah oo lagu Bartimaameedsanayo shaqaalaha dawlada iyo bahda garsoorka Ee magaalada laascanood iyadoo hore magaalada laascanood loogu dilay garsoorihii maxkamada gobolka iyo sarkaal katirsanaa ciidanka sirdoonka somaliland

Dhanka kale falal noocan ayaa ilaa hada xukuumadu wax talaabo ah oo lagaga hortagayo aanay qaadin taasi oo sobobtay in bahda garsoorka ee gobolka sool ay shaqada joojiyaan cabsi soo food saartay awgeed.

 

LAASCANOOD OFFICE.

COMMENTS
Latest News