Gabileynewsonline.com
Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Qarax Galabka Ka Dhacay Magaalada Gaalkacayo Iyo Tirada Masuuliyiinta Ku Geeriyooday.
December 18, 2020 - Written by admin
Wararka laga helayo qarax galabta ka dhacay magaalada gaalkacayo Ee somaliya kaasi oo uu fuliyay qof isku soo xidhay walaxa qarax xili laga sugayay in uu garoonka diyaaradaha kazoo dego raysalwasaaraha soomaliya Rooble.

Qaraxan ayaa ilaa hada Inta La ogyahay waxaa ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee Taliyihii qeybta 21aad ee ciiddanka xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdicasiis Cabdillaahi (Qooje) Taliyihii ciiddanka Danab ee gobolka Mudug, Gaashaanle sare Muqtaar Cabdi Aadan iyo Saraakiil kale, ayaa la xaqijiyay in ay ka mid ahaayeen dadkii ku geeriyooday qaraxa.

Qaraxa, ayaa lala eegtay garoonka Cabdullaahi Ciise ee ku yaalla dhinaca Koonfureed ee magaalada, halkaas oo la sheegay in uu ku wajahnaa Ra’isul-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku joogay deegaannada gobollada Galmudug iyo Galguduud.

Dadka ku dhintay qaraxan, oo la rumeysan yahay inuu fuliyay Qof walxaha qarxa isku soo xidhay, waxaa ka mid ah:-

3- Taliye ku xigeenkii ciidanka danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali. 4– Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo- Qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Saraakiishan ayuu qaraxa ismiidaaminta ku helay iyagoo ku sugnaa irida hore ee garoonka kubada cagta Cabdullaahi Ciise, halkaas oo uu lagu sugayay raysal wasaaraha Soomaaliya oo kasoo safrayay magaalada Cadaado.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
Latest News