Gabileynewsonline.com
Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo Digniin U Diray Shirkadaha Isgaadhsiinta
December 19, 2020 - Written by admin
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Cali Ibrahim Jaamac Baqdaadi
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Cali Ibrahim Jaamac Baqdaadi
    

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Ibrahim Jaamac Baqdaadi ayaa Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray waxa uu uga digay Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Telesom, Somtel Dahabshiil iyo Golis Somaliland aanay mobiladooda ku diri karin Wixii lacag ah ee ka yar 100 dollar.

Guddoomiye Baqdaadi ayaa sheegay in Shirkadaha Isgaadhsiinta Telesom, Somtel Dahabshiil iyo Golis Telecom Somaliland ay adeegyadooda Zaad, E-Dahab iyo Sahal ay diraan Lacagta ka yar 100$ taasina ay caqabad ku tahay la dagaalanka Sicir bararka, ilaalinta iyo dejinta Shilling Somaliland Isla markaana ay burinayso go’aanadii hore Xukuumadda Somaliland uga soo saartay Sicir bararka .

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

COMMENTS
Latest News