Gabileynewsonline.com
Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Xisbiga ANC Ee Koonfur Afrija
December 21, 2020 - Written by admin
    

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay wefti ka socda xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika.


Weftigaasi oo uu hoggaaminayo Mr. Mhlekwa Nxumalo, oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC.

Sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland.
Waxaana madaxweynaha kulankaa ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha dibeda, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere).


Dhinaca kale weftigan ka socday xisbiga ANC ee koonfur Afrika oo saddex xubnood ka koobnaa waxay kala ahaayeen, Mr Abner Mosaase, Mr. Malose Ramashala iyo Mr Allen Magumbi.

COMMENTS
Latest News