Bilawga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Togdheer Oo La Shaaciyay
December 24, 2020 - Written by admin
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ka daah furay magaaladda Burco bilawga diiwaan gelinta codbixiyeyaasha gobolka Togdheer iyo degmooyin ka tirsan Sanaag.
Waxaanay shaaciyeen in diiwaangelinta codbixiyeyaashu 27-ka bishan ka bilaabmi doonto gobolka Togdheer, degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn, iyo Caynaba.
Munaasibadii shaacinta arrintaasi waxaa ka goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan xisbiyadda qaranka, komishanka doorashooyinka, maamulka gobolka Togdheer, iyo masuuliyiin kale.