Geerida fannaanka ayaa waxaa xaqjiiyey qaar ka mid ah helladiisa, wuxuuna ku dhintay cisbitaal ku yaalla magaalada Mainz ee dalkaasi.
Fannaanka ayaa la sheegaya inuu u geeriyooday cudurka safmarka ah ee Coronavirus.
Bacalwaan wuxuu ahaa heesaa, mu’allif iyo weliba laxamiiste, iyadoona laxannadiisa uu ka mid ahaa midka uu saaray heesta caanka a ee Afrikaay Hurudooy.
Sidoo kale, wuxuu ka tirsanaa fannaaniintii ciidanka Soomaaliya ee uu madaxda u ahaa Cismaan Askari Aadan Xuseen ka hor dowladdii Kacaanka.