Maxamuud Daahir Maxamed oo kamid ah xubnaha gudida doorashooyinka qaranka ayaa bulshada gobolka Togdheer iyo Caynaba faray inay ka qayb qaataan diiwaan gelinta codbixiyeyaasha isla markaana soo dhaweeyaan shaqaalaha komishanka iyo ciidamada amniga ee ugu imanaya goobahooda, waxa uu intaa ku daray qofkastaaba inuu guto waajibka saaran isla markaana la ilaaliyo nabad gelyada.
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Togdheer gaashaanle dhex Cali Maxamed Faarax ayaa bulshada ku dhaqan gobolka Togdheer ku booriyay inay la shaqeeyaan hawl wadeenada gudida doorashooyinka qaranka isla markaana is diiwaan geliyaan.